Home WARARKA ATMIS oo Soo gabagabeysi Wejiga labaad ka bixista Ciidankooda Soomaaliya

ATMIS oo Soo gabagabeysi Wejiga labaad ka bixista Ciidankooda Soomaaliya

94
0

Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya  ATMIS ayaa dabayaaqadii bishii Janaayo soo gebagabeeyey Wejigii labaad ee dhimista ciidankooda, kadib markii ay dowladda Soomaaliya ku wareejiyeen sagaal saldhig oo ciidan.

Xilwareejinta ayaa ku soo beegantay iyadoo 3,000 oo askari laga saaray Soomaaliya. Labadii Weji ee hore ee dhimista, 5,000 oo Askari ayaa ka baxay Soomaaliya, 13 saldhig oo ciidan ayaa lagu wareejiyay ciidamada Soomaaliya.

 Howlgalka oo loo yaqaano ATMIS ayaa waxaa ku jira ciidamo ka kala socda Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda.

Alhaji Sarjoh Bah, oo ah Agaasimaha maareynta khilaafaadka ee arrimaha siyaasadda, nabadda iyo amniga ee guddiga Midowga Afrika, ayaa sheegay in soo-saarkii labaad uu muujinayo in Soomaaliya laga yaabo in ay isu diyaariso in ay xakameyso dhammaan mas’uuliyadda amniga ee dalka dhammaadka 2024-ka, markaasoo howlgalka uu ku eg yahay, lana filayo in gabi ahaanba laga baxay. “Dhammaystirka marxaladan dhimista, iyadoo ay jiraan caqabado waaweyn, oo ay ku jiraan El Niño [qaabka cimiladu], waxay marag madoon u tahay rabitaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan kala-guurka habeysan,” Bah ayaa yiri intii ay socotay xafladdii xil-wareejinta oo ka dhacday Muqdisho.

Saraakiisha ayaa markii hore filayey inay dhameeyaan wejiga labaad ee ka bixitaanka ATMIS dhamaadka bisha Sebtembar. Si kastaba ha ahaatee, weerarrada Al-shabaab ee weli socda oo ay weheliyaan dib-u-soo-noqoshada ciidamadii horay looga qabsaday, ayaa dowladda Soomaaliya ku qanciyay inay codsato in dib loo dhigo xilliga la dhimi doono.

Dhinaca lae Wejiga 3-aad ee dhimista ayaa bilaabatay bishii Febraayo intii lagu jiray shir afar maalmood socday oo ay ka soo qayb galeen taliyeyaasha howlgalka. Wejigan ayaa la filayaa in ay ku jiraan bixitaanka 4,000 oo askari oo dheeraad ah bisha June. Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa ATMIS, Danjire Mohamed El-Amine Souef, ayaa sheegay in uu rumeysan yahay in ciidamada ammaanku ay galayaan “marxaladda ugu xasaasisan ee howlgalka.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here