Home WARARKA  Baaq loo jeediyay Beelaha ku  dagaalamaya degmada  Qoryooleey

 Baaq loo jeediyay Beelaha ku  dagaalamaya degmada  Qoryooleey

50
0

Madasha Samata bixinta KGS ayaa  soo saaray bayaan ay baaq ugu jeedinayaan  Beelaha ku dagaalamaya degmada Qoryooleey ee gobolka shabeelada Hoose.

Bayaanka ayaa u qornaa siodaan:

Anigoo ah Afhayeenka Madasha Samata-bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya Md Hassan Moalin Yusuf Hassan black Kuna hadlaya afka madasha Waxaan baaq nabaeed u diraynaa Beelaha walaalaha ah ee isbuucii labaad Ku Dagaalamaayo degmada qoryooley Gobolka shabeelada hoose ee DGKGS

Madasha Samatabixinta KGS waxay soo jeedinaayaan in si degdeg ah loo joojiyo

Guud ahaan dagaalada ka socda Deegaanada KGS

Gaar ahaan degmada Qoryooley

Madasha Samatabixita KGS waxay ugu Baaqeeysaa beelaha walaalaha  ah ee ku Degaalamaya degmada Qoryoleey.

Walaalayaal dagaal Wiil baa ku dhinto ee

Wiil kuma dhasho

Shacabka tabarta yar biri-mageydada ah

Ee tabaaleysan, soona maray daruufaha

Kala duwan ee abaaraha iyo amni daraba leh 

Maadaama ay idin soo gaari waayeen

Idin kala dhaxgali waayeen

Maamulka waqtigiisu  dhamaaday ee

Sharci darada ku joogo DGKGS

Waxaa habooneeyd  in  laga baaqsado

In lagu dul dagaalamo shacabka iyagoo aan Garaneynin mel ay naftooda ula baxsadan

Wixii tabasho ah ee jiro in wada hadal lagu Dhameeyo si loo ilaaliyo geedisocodka

Nabada iyo Midnimada shacabka.

Gebagebadii, waxaan u mahad naqaayaa Wasiiru-dowlaha W. Arimaha Gudaha DFS Md. Sadaad u damqashada iyo baaqa uu maanta ku biiriyey baaqyada lagu doonaayey in lagu  joojiyo Dagaalada xiligaan ka taagan deegaanada KGS.

Afhayeenka Madasha Samata-bixinta KGS

Md Hassan Moalin Yusuf Hassan Black

Wabillaahi Towfiikh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here