Home WARARKA Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay heshiiska Xukuumadda Soomaaliya la gashay Dawlada Turkiga

Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay heshiiska Xukuumadda Soomaaliya la gashay Dawlada Turkiga

37
0

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goor-dhow cod aqlabiyad ah ku ansixiyey heshiis-kii taariikhiga ahaa oo ay dowladda Soomaaliya la gashay Dowladda Turkiga, kaas oo ku saabsan iskaashiga dhinaca difaaca iyo dhaqaalaha.

Kulanka waxaa soo xaadiray 216 mudane waxaa ogolaatay 213 Xildhibaan, waxaana diiday 3 Xildhibaan, sida uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheikh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Heshiiskan ay meel,ariyeen Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku soo aadaya Xilli dawlada Soomaaliya ay is haayaan dawlada Itoobiya oo ku soo xadgudubtay madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here