Home WARARKA Banaan bax  ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka  Soomaaliya

Banaan bax  ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka  Soomaaliya

77
0

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay bannaanbax lagu taageerayo wax ka badalka Dastuurka.

Dibad baxaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka Gobolka Banaadir, waxaana ka qeyb galay madaxda  gobolka Banaadir  , masuuliyiin ka tirsan Dawlada Federaalka Soomaaliya  iyo  Dad shacab ah oo laga kala keenay degmooyinka gobolka Banaadair.

Banaan baxa  ayaa u jeedkiisu yahay in  lagu Taageero qorshaha wax ka bedelka Dasturka ee at wado Dawlada Madaxweyne  Xasan Sheekh Maxamuud.

Masuuliyiintii  ka qayb gashay  banaanbaxa ayaa halkaasi ka jeedeeyay  khudbado la xariira arrimaha wax ka badalka Dastuurka iyo muhiimadda uu u leeyahay dalka iaydoo shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta ugu baaqay in ay taageeraan oo ay gara istaagaan wax ka bedelka Dastuurka .

Hase ‘ahaatee ‘ Amniga  magaalada Muqdisho ayaa  Aad loo adkeeyay, waxaana la xiray  wadooyinka soo gala Taalada Daljirka Dahsoon oo ah halka uu  banaanbaxa ka dhacay .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here