Home WARARKA Banaanbax  maanta ka  dhacaya  Muqdisho

Banaanbax  maanta ka  dhacaya  Muqdisho

59
0

Waxaa maanta oo sabto ah lagu wadaa in Garoonka Kubadda Cagta ee Koonis ee Magaalada Muqdisho in uu ka dhaco bannaanbax lagu taageerayo heshiiskii dhawaan dowladda Soomaaliya la gashay dowladda turkiga, kaas oo ku saabsan difaaca iyo dhaqaalaha labada dal.

Bannaanbaxaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana la filayaa inay ka qeyb galaan mas’uuliyiin kala duwan oo katirsan dowladda Soomaaliya iyo qaar kamid ah Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir.

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa xiray dhammaan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Garoonka Kubadda Cagta Stadium Koonis ee degmada Cabdul Casiis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here