Home WARARKA Baraawe oo laga mamnuucay in shir lagu qabto

Baraawe oo laga mamnuucay in shir lagu qabto

8
0

Guddoomiyaha Maamulka degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa guud ahaan mamnuucay in shirar suyaasadeed iyo kuwo keeni kara khilaaf lagu qabtao degmada Baraaw ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.
Guddoomiyaha oo Warbaahinta kula hadlay gudaha degmada ayaa sheegay in marnaba aysan ogolaan dooni shirarkaas, isla markaana dadkii ka dhego adeega amarkooda loo baahan yahay in hay’adaha amniga ay tallaabo sharci ah ka qaadaan.
Hadalka Guddoomiyaha degmada Baraaw ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kusoo aadaya xilli dhowr jeer degmadaas uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Millateriga iyo kuwa daraawiishta Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here