Home WARARKA Biyo xireenka Sabuun oo la Dayac tiray

Biyo xireenka Sabuun oo la Dayac tiray

68
0

Dowadda federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Hirshabeelle ayaa dib u dayactir ku sameyay biyo xireenka Sabuun ee fobolka shabeelada Dhexe si ay uga faa’idaystaan dadka beeraleyda ah ee halkaasi ku dhaqan,mashruucaan ayaa qeyb ka ah mashaariic horumarineed oo ay muddooyinkii danbe laga hirgalinayay gobolka shabeelada Dhexe .
Mashruucaan biyo xireenka ah ee Sabuun ayaa dhawaan waxaa ka faa’idaysanaya dadka beeraleyda ah ee ku dhaqan deegaanada u maro wabiga Shabeelle si ay sare ugu qaadaan wax soo saarka beeraha,iyadoo ay dadka beeraleyda ah ay aad ulaa daala dhacayeen muddooyinkii danbe dhibaatooyinka ay sabab u ahaayeen fatahaada biyaha wabiga shabeelle .
Deegaannada u maro wabiga Shabeelle ayaa waxaa saameyn xooggan ku yeeshay fatahaadaha Webiga iyo daadadka roobka xilliyada ay da’ay Gu’ga iyo Deyrta,Cumar Abgaalaaw oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta qaranka xilli biyo
xireenkaan laga sameyay deegaanka ay aad u wanaagsaneyd wax soo saarka beeraha,hal kudhigna ay u ahayd ama jiddo joog ama Jowhar,xilligaana u rajo fiican ka qabo in markale ay aad uga faa’idaystaan beeraleyda oo ay tabacadan beeraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here