Home Blog

Maxay Ilhaan ka tiri guusheeda?

0

Ilhan Cumar ayaa mar saddexaad loo doortay xildhibaan ka tirsan Congress-ka Maraykanka.

Waxaa la tartamaysay Cicely Davis oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga oo u muuqda inuu hanan doono aqlabiyadda Golaha Wakiillada ee Maraykanka, iyadoo uu loolan xooggan ka taagan yahay helitaanka aqlabiyadda Golaha Senate-ka.

Waxay heshay 70% codadkii laga dhiibtay degmada ay ka tartameysay.

Doorashadan xilliga dhexe ee Maraykanka ayaa muhiim u ah siyaasadaha Aqalka Cad oo haddii xisbiga Dimuqraadiga uu lumiyo aqlabiyadda mid kamid ah golayaasha sharci dejinta, waxaa ku adkaan doona Madaxweyne Biden inuu gaaro go’aanno masiiri ah.

Madaxweynaha Falastiin oo baaq u diray Mareykanka

0

Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabbaas ayaa ugu baaqay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Anthony Blinken in uu ku cadaadiyo mas’uuliyiinta Israa’iil inay joojiyaan xadgudbyada ay ka geysanayaan dhulka Falastiin.

Maxamuud Cabbaas oo teleefoon kula hadlayay Blinken wuxuu sheegay in maamulkiisa uu wado dadaallo uu ku dejinayo xiisadda ka taagan Daanta Galbeed.

Blinken wuxuu walaac ka muujiyay colaadda ka taagan Daanta Galbeed xilli uu Khamistii teleefoon kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ee xilka kasii degayo Yair Lapid isla markaana ugu baaqay dhinacyada inay joojiyaan dafaalka, sida laga soo xigtay afahayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Ciidamada Israa’iil ayaa sanadkan 100 qof oo Falastiiniyiin ah ku dilay Daanta Galbeed, sida laga soo xigtay Qaramada Midoobey, waana dhimashadii ugu ba’neyd ee laga soo tebiyo Daanta Galbeed tan iyo sanadkii 2005-tii.

Khasaaraha ka dhashay qaraxyo xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho oo kordhay

0

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa laba qarax oo xalay ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo mid kamid ah qaraxyadaasi uu ka dhacay saldhig milateri.

In ka badan nolosha 15 qof ayey qaraxyadaasi galaafteen halka tiro intaas ka badanna ay dhaawacmeen.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qof uu isku hor miidaamiyay albaabka laga galo xarun lagu tababaro militeriga Soomaaliya oo ku taalla magaalada Muqdisho.

Dadka ku dhintay waxaa kamid ahaa askar la qorayay iyo dad rayid ah.

Taliyaha militeriga Soomaaliya Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in uu socdo baaritaan ku aadan weerarkaas.

Waxaana adag in la xaqiijiyo warkaas balse militeriga Soomaaliya ayaa sheegay in tiri kamid ah dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku dileen weerarro ay toddobaadkan ku qaadeen deegaanno hoostaga maamulka Hirshabeelle.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerraradaasi, waxaana ay weerraradan imaanayaan xilli Al-Shabaab gacantooda laga saaray dhul ballaaran oo ku yaal bartamaha Soomaaliya, kaddib dagaal halkaas ku dhexmaray iyaga iyo milateriga qaranka iyo maleeshiyo xulafo la ah oo dhinac ah.

diyaarad Rakaab ah oo ku bur burtay Dalka Tanzaniya

0

Diyaarad rakaab ah ayaa ku burburtay harada Victoria gaar ahaan gobolka Kagera ee dalka Tanzania.

Taliyaha booliska Dalka Tanzaniya ayaa xaqiijiyay diyaaradda dhacday, wuxuu sheegay inay socdaan dadaallo loogu gurmanayo dadkii rakaabka ahaa.

Diyaaraddan ayaa saaka ku burburtay magaalada Bukoba.

Kooxaha dab damiska iyo booliska ayaa gaaray goobta si ay uga qeyb qaataan howlaha gurmadka ah.

Madax ka Tirsan Maamulka Galmudug oo gaaray Farumaha dagaalka ee Koofurta Gobolka Mudug+Sawirro

0

Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka amniga maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Aadan oo uu Wehliyo guddoomiyaha gobolka Mudug Axmed Xuseen shire Bukhaari ayaa socdaal dhulka ah ku gaaray Jiidaha dagaalka ee koonfurta gobolka Mudug.

Wafdiga ayaa booqanaya deegaanada ay ku sugan yihiin Daraawiishta Galmudug,ujeedka socdaalkooda ayaa la xiriira dardar gelinta howlgalka ka dhanka ah Alshabaab.

Hay’add Turkish ah oo lacag & Raahiin ku deeqday Dadkii ku dhaaacmay qaraxyadii Soobe+Ujeedo

0

 Hay’adda İHH oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa gaarsiisay raashin bisil iyo lacag dadkii ku dhaawacmay qaraxii 29 October ee AlShabaab ay ku xasuuqeen dadka shacabka ahaa.

Deeqdaan keeneen shacabka Turkiga ayaa la gaarsiiyay cisbitaalka Madina ee magaalada Muqdisho, waxayna deeqdan oo socon doona 3-maalin, maalintii koowaad la gaarsiiyay 78 dhaawac oo ku jira cisbitaalka Madina lana siiyay qofkiiba 125$ iyo raashin bisil.

Uqeybsamaha hay’ada İHH ayaa sheegay in 200 oo dhaawac ay midkiiba siin doonaan 125$, isla markaana 500 bukaan ay uqeey bindoonaan raashin bisil.

Sidoo kale, lataliyaha xaaladaha degdega ah ee hay’adda Maareeynta masiibooyinka Dr. Abdulahi Muuse Axmed oo ka hadlay deeqdan ayaa u mahadceliyay shacabka iyo dowlada Turkiga sida ay ugarab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir Fiqi oo gaaray Magaalada Baydhabo

0

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Ahmed Moallim Fiqi ayaa gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed.

Waxaana garoonka diyaaradaha ee Shaatigaduud kusoo soo dhoweeyey wasiirka arrimaha gudaha ee Koonfur galbeed mudane Cabdullahi Xaaji Xasan.

Wasiirka ayaa u tegay magaalada Baydhabo u kuur-gelidda xaaladaha kajira deegaanada Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo ku Eedeeyay Saraakiisha Hay’addaha Amniga in ay ku lugleeyihiin qaraxyada ka dhaca Muqdisho

0

Ergayga gaar ka ah ee Madaxweynaha oomaaliya ugu qaabilsan dhinaca Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdishakuur Warsame, ayaa ku eedeeyay qaar kamid ah Saraakiisha Hay’addaha Amniga Dawladda Federaalka Soomaaliya inay la shaqeystaan kooxda Al-Shabaab.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay inay tahay wax lala yaabo in wiil yar oo ah sarkaal ah , qaatana mushaar kooban uu dabaqyo ka dhianayo Muqdisho, sidoo kale dalxiis u tagayo dalal ay kamid yihiin Turkiga, Malaysia iyo Kenya.

ildhibaan Cabdiramaan Cabdishakuur Warsame ayaa Tilmaamay in dadkii horey ugu fashilmay amniga dalka, geystayna dambiyada ay weli hayaan hoggaanka Ciidamada, oo aan lagu sameyn xil ka qaadis iyo la-xisaabtan.

Hadalka Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi shakuur Warsame ayaa ku soo aadaya Xilli Amniga Magaalada Muqdisho uu ka sii darayao islamarkaan qaraxyo ay dhacayaan

Taliyaha Militariga Somaliland oo Jawaab adag ka bixiyay Hadal ka soo yeeray Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland

0

Taliyaha Ciidamada Milateriga Somaliland, Jeneraal Nuux Ismaaciil Taani ayaa u jawaabay Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland jenaraal. Abshir London oo dhowaan eedeymo kulul u jeediyay Somaliland.

Jenaraal Abshir London oo maalmo kahor ka hadlayay duleedka degmada Boocame ayaa ku eedeeyay Somaliland inuu taageero siiyo argagixisada.

Jeneraal Nuux Taani ayaa sheegay in Puntland iyo Somaliland ay yihiin Jaar, ayna wax xun ku sheegin , balse Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland uu yahay nin qurbaha ka yimid, oo aan waxba kala socon wixii ka dhacay dalka.

“Puntland Jaarbanu nahay weli Somaliland hadal xun kuma odhan waxaanu ku dhawarnaa jaarnimada. Ninka Taliyaha ee hadlayay maalin dhawaydbaa la magacabaay qurbahana wuu ka yimid, wixii dalka ka dhacay waxba kamuu ogayn ayuu yiri Jeneraal Taani.”

“Kalmadaha uu cayda ka dhigayay isagoo aniga Ii jeeda waxaa ka mid ah Hadhuudh, Arabakhi iyo Huuno. Hadhuudhka iyo masagadu waa cuntadeena Huunana waa Aboowe oo kale.”

“Waxaan ku leeyahay iskadaa dagaalka nabadgelyada ka shaqee kuwii kaa horeeyay waydii sidaasa lagu wada shaqayn jiray.”

Taliyaha Ciidanka Somaliland ayaa intaa ku daray “Dagaal ayuu ka hanbajayay anaguna waanu naqaana sida loogu jawaabo.”

Daadad Saameeyay Dadkii ka soo barakacay Abaaraha ka jira degaano ka Tirsan Koofur galbeed Soomaaliya

0

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in dad markii hore ka soo barakacay dhibaatada abaarta ka jirta Soomaaliya ay haatan daadad ku qaadeen xeryihii ay ka galeen magaaladaasi.

Roobka dayrta ee maalmihii la soo dhaafay ka da‘ayay qeybo ka mid ah gobollada Bay iyo Bakool ayaa la sheegayaa inuu biyo dhigay ilaa 300 oo xero oo ku yaal duleedka magaalada Baydhabo.

Inta badan deegaannada dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed ayaa muddaba waxaa ka jirtay abaar daba dheeraatay.