Home Blog Page 2

Itoobiya & Soomaaliya oo ku Heshiiyay in ay iskaashadaan dadaalada looga hortagayo Argagixisada

0

Hay’adaha Sirdoonka Soomaaliya & Itoobiya ayaa ku heshiiyey inay sii wadaan dadaallada wadajirka ah ee looga hortagayo argagixisada.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya Mudane Mahad Maxamed Salaad iyo Agaasime ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka Itoobiya Mudane Sisay Tola oo kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa isku afgartay muhiimada iskaashiga iyo is dhaafsiga xogaha labada sirdoon.

Labada dhinac ayaa isla qaatay in lagama maarmaan ay tahay ka hor taga Aragagixisada ku sii baahaysa Bariga Afrika iyo inay haboontahay in si wadajir ah leesaga kaashado.

Agaasimaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliya wuxuu bogaadiyey heshiiska ay xukuumadda Itoobiya iyo kooxda hubeysan ee TPLF ay dhawaan ku gaareen magaalada Pretoria ee waddanka Koofur Afrika.

Mudane Mahad Maxamed Salaad, Agaasimaha NISA ayaa sidoo kale uga mahadceliyay dowladda Itoobiya garab istaageeda walaaltinimo iyo deeqihii caafimaad ee dhowaan ay soo gaarsiiyeen magaalada Muqdisho. Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya iyo Itoobiya ay yihiin labo dal oo ay waxbadan ka dhexeeyaan, wajahayana khatar argagixiso oo isku mid ah.

Sisay Tola Agaasime ku xigeenka Hay’adda Sirdoonka Itoobiya ayaa muujiyay sida uga xun yahay falkii argagixiso ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana uu tilmaamay si loo yareeyo cabsida laga qabo dhacdooyinka noocaan oo kale ah in la xoojiyo iskaashiga iyo la dagaalanka argagixisada ee Bariga Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaaraha Itoobiya ayaa dhowaan kulan ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa ayaa waxay uga hadleen iskaashiga labada dal eek u aadan ka hor taga qataraha Argagixisada.

Imraan Khan oo shaaciyay Cidda ka dambeeysay Falkii isaga lagu khaarijin lahaa

0

Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa khudbadiisii ​​ugu horeysay jeediyay tan iyo markii la toogtay xilli uu ka qeyb galayay isu soo bax ka dhacay magaalada Wazirabad ee bariga dalkaasi.

Isagoo ku fadhiya kursiga loogu talagalay dadka lixaadkooda kala dhiman yahay isbitaal ku yaal Lahore, Mr Khan wuxuu sheegay inuusan ka badbaadeen toogashada haddii labada qof ee weerarka fuliyay ay “si darandoori ah u ridi lahaayeen rasaasta” .

“Maadaama aan dhacay, mid ka mid ah kuwii toogashada geystay ayaa u maleynayay inaan dhintay, wuuna uu ka tagay goobta,” ayuu yiri.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan, ayaa ku eedeeyay madaxwaynaha imika xilka haya, Shehbaz Sharif, inuu ku lug lahaa shirqool la doonayay in lagu dilo.

Wasiirka arrimaha gudaha Rana Sanaullah iyo madaxa sirdoonka dalkaasi Faisal Named Naseera ayuu sidoo kale Mr Khan sheegay inay maleegeen shirqool isaga lagu dilayo.

“Saddexdan waxay go’aansadeen inay i dilaan,” ayuu yiri Mr Khan.

Dowladda Pakistaan ayaa beenisay eedeynta uu Mr Khan soo jeediyay.

Dhankooda sarakiil u hadashay militariga Pakistan ayaa waxay beeniyeen eedeynta Mr Khan. Ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan, ayaa dhanka kale sheegay in dibadbaxyada ay sii socon doonaan ilaa saddexdani masuul ay xilka ka dagaan.

Wuxuu ka dalbaday Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka janaraal Qamar Javed Bawjoh in tallaabo laga qaado ‘dadka xun-xun’ ee ciidanka ku jira.

Waxa uu sidoo kale ka dalbaday madaxa cadaalada dalka Pakistan in uu xaqiijiyo cadaaladda dhacdadan.

Bishii hore, guddiga doorashada Pakistan ayaa Mr Khan ka mamnuucay inuu qabto xafiis dowladeed, taasoo uu ku tilmaamay ciyaaryahankii hore ee Cricket-ka mid siyaasadeed.

Maalintii khamiistii oo ku beegneyd 3 bisha November Isu soo bixii xisbiga Imran Khan oo ka soo billowday Lahore kuna socday Islamabad ayaa gaaray Gujranwala oo ka tirsan gobolka Punjab.

Kumannaan qof ayaa la socday kolonyadan.Imran Khan ayaa saarnaa gaari korka ka banaan isaga iyo qaar ka mid ah madaxda sare ee xisbiga.

Ka dibna qof ayaa bilaabay inuu rasaas furo. Markii dambe waa laga itaal roonaaday ninkii weerarka geystay, waxaana ku dhawaacmay 14 qof ayaa ku dhaawacmay, hal qofna waa uu ku naf waayey.

Taas waxaa barbar socday, Imran Khan ayaa sidoo kale lugta laga toogtay.

Imran Khan ayaa isla markiiba la dhigay isbitaalka Shaukat Khanum ee magaalada Lohar, halkaasoo lagu sameeyay qalliin xalay xilli dambe, waxaana hadda la sheegay inuusan dhaawaciisa halis ahayn.

Ruushka & Turkiga oo ku heshiiyay in Qamadiga ay soo saaraan Beeraleyda Ruushka si bilaash ah lagu siiyo dadalka Soomaaliya ay ku jirto

0

Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin kula heshiiyey in qamadiga Ruushka ee soo mara badda madow ay si bilaash ah ay ku tagaan dalalka Afrika ee saboolka ah.

“Markii aan taleefoonka kula xiriiray Vladimir Putin, wuxuu igu yiri ‘ aan bilaash ugu dirno dalal ay ka mid yihiin Jabuuti, Soomaaliya iyo Suudaan’ – waana ku heshiinnay,” ayuu Erdogan ku yiri hadal uu u jeediyay ganacsatada magaalada Istanbul.

Arrintan ayaa timid kadib markii Moscow ay Arbacadii dib u bilowday ka qaybgalka heshiiska dhoofinta qamadiga ee u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Turkiga, taas oo sooo afjartay afar maalmood oo iskaashi la’aan ah ee dhoofinta raashinkan ee dekedaha Ukraine.

Horraantii toddobaadkan, wuxuu Putin sheegay in xitaa haddii Ruushku ka baxo heshiiskan mar kale, uu ku beddeli doono dhammaan saamiga qamadiga ee loogu talagalay “dalalka ugu saboolsan” si bilaash ah kan kaydka u ah Ruushka.

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo sheegay in Dalkiisa Faragelin lagu haayo

0

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in “faragelin weyn oo dhanka dibadda ah” lagu hayo wadahadalka sii socda ee u dhaxeeya dowladda iyo maamulka Tigray balse uu weli rajo ka qabo in heshiis nabadeed la gaaro.

Isagoo la hadlayay Telefishinka Caalamiga ah ee Shiinaha (CGTN), Mr Abiy ayaa sheegay in reer Itoobiya ay xalin karaan arrimahooda inkastoo cadaadis caalami ah lagu saarayo xabbad-joojin. “Dabcan, haddii ay jiraan faragelin badan oo bidix iyo midig ah, aad ayay u adag tahay,” ayuu yiri Abiy.

“Waa inay fahmaan inaan arrimaheena anaga xallin karno.” Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay qabsashada ay ciidamada federaalku qabsadeen magaalooyinka Shire, Axum iyo Adwa .

“Waxaan isku dayeynaa inaan ku qancino TPLF inay ixtiraamto sharciga dalka, inay ixtiraamto dastuurka iyo inay u dhaqanto sidii hal maamul oo ka tirsan dalka Itoobiya,” ayuu yiri.

Baadigoobka dad lagu waayey qaraxyadii Soobe oo ka socda Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho waxa wali ka socda baadigoobka dhawr iyo toban qof oo lagu la’yahay qaraxyadii Sabtidii ka dhacay isgoyska Soobe, kuwaas oo markii cid ugu war dameysay joogay halka ay dhibaatadu ka dhacday.

Guddiga gurmadka ayaa wada tira koobka dadka waxyeeladu ka soo gaartay weerarradii Sabtidii, waxayna sheegeen in dadka la la’yahay ay toban kor u dhaafayaan.

Goobaha ay qaraxyadu ka dhaceen waxa laga ururiyay hilbo iyo xubno googo’ay, waxayse mushkiladu tahay inaan lahayn shaybaarka lagu hubiyo ama lagu qaado dheecaanka hide sidaha ah ee loo yaqaano DNA, kaas oo sahli lahaa in la ogaado cidda ay yihiin hilbhaas ama xubnahaas la uruuriyay.

Dib u eegis lagu sameeyay Hawlgalka Unsom Soomaaliya

0

Kaddib dib u eegistii istaraatiijiyadeed ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uu ku sameeyay Howlgalka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Golaha Ammaanka ayaa kordhiyey muddadii hawlgalka ee ay ka wadeen Soomaaliya iyada oo lagu daray hal sano oo cusub.

Xubnaha golaha ayaa sida oo kale cambaareeyay weerarkii argagixisanimo ee labo maalmood ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho.Goluhu waxa uu ka codsaday UNSOM in ay ilaaliso isla mar ahaantaana xoojiso joogitaankeeda guud ahaan Soomaaliya iyo in ay sii wadaan wada shaqeynta ay la leeyihiin dalkaas iyo howlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS).

Waxaa goobta ku sugnaa oo ka hadlay safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cusmaan Baalle oo mahadcelin kaddib sheegay in Qaramada Midoobay looga baahan yahay inay dib u cusboonaysiiso ballan qaadkeeda ku wajahan shacabka Soomaaliyeed, ayna xoojiso isku xirka hay’adaha kala duwan.

Madaxweynaha Koofur Galbeed oo muqdisho kula kulmay Safiirka Talyaaniga u Fadhiya Soomaaliya

0

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda Taliyaaniga u fadhiya Soomaaliya Alberto Vecchi.

Madaxweyne Laftagareen iyo Danjire Alberto oo kulankooda Saacado qaatay ayey uga wada hadleen Taageerida Howlgalada socda ee lagu Ciribtiraayo Khawaarijta Al-shabaab iyo sidii loo taageeri lahaa wax soo saarka Beeralayda.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay La-Taliyaasha Madaxweynaha iyo Agaasimaha guud Madaxtooyada Koonfur-galbeed.

Maxay ka Wada hadleen Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya & Dhiggiisa Dalka Kuwait?

0

Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibedd Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa kulan kula qaatay  caasimadda dalka Algeria ee Algiers, dhigiisa Arrimaha dibedda ee Dawladda Kuwait H.E Sheikh Salem Abdullah Al-Jaber Al-Sabah.

Wasiirka Arrimah dibedda Soomaliya ayaa kala hadlay dhigiisa kuwait sidii Soomaaliya loo garab istaagi lahaa loogana caawin lahaa dhibaatada kooxa khawaariijtu ay ka geysteen magaalada Muqdisho,Cafinta deymanka Soomaaliya lagu leeyahay iyo sida ugu haboon ee Soomaliya uga faa’iidaysan karto kaalmada ay dawladda Kuwait ugu talo gashay horumarinta waxbarashada.

labadda Wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay adkaynta xiriirka iyo sidii loo sii wadi lahaa iskaashiga dhinacyada badan ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah,kulanka ayaa waxa wasiirka Arrimaha dibedda Soomaliya ku weheliyey safiirada Soomaaliya u kala fadhiya Masar, Algeria iyo Agaasimaha waaxda Carabta ee wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga.

Qodobo laga soo saaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka 3aad ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) kaas oo lagu qabtay Muqdisho 27-31 October 2022. Shirka waxaa ka soo qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare K/xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Ugu horeyn Golaha Wadatashiga Qaran wuxuu tacsi u dirayaa shacabka Soomaaliyeed, ehelada iyo qoysaska ay ka baxeen dadkii ku shahiiday weeraradii argagixiso guud ahaan dalka gaar ahaana weerarkii 29 Oktoobar ee agagaarka Zoobe ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale, Goluhu wuxuu Allah uga baryayaa inta dhaawacantay inuu u booga-dhayo, inta ku hanti beesheyna bedel kheyr qaba Alle siiyo. Goluhu wuxuu canbaareynayaa gummaadka ay khawaarijtu ku hayso ummadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.

BOGAADIN

Golaha Wada-tashiga Qaran waxa uu:

•Bogaadinayaa guulaha isdaba joogga ah ee ay gaareen Ciidanka Qalabka-Sida oo kaashanaya kacdoonka Shacabka Soomaaliyeed ee guud ahaan dalka lagaga ciribtirayo khawaarijta.

•Ammaaney gargaarka bani-aadannimo iyo gurmadka dadka ay abaaruhuu saameeyeen ee ay waddo XFS oo kaashaneysa shacabka, DXDF iyo beesha caalamka.

•Goluhu wuxuu bogaadinayaa dhaqanka deganaanshiyaha siyaasadeed, wada-nolaanshiyo iyo dimuqraadiyadda ee ay Somaliland ku soo caano maashay, wuxuuna ugu baaqayaa madaxda iyo shacabka Somaliland inay ilaashadaan xasiloonida iyo nabadda.

•Bogaadiyay ganacsatada Soomaaliyeed iyo Dowladda Puntland ee hirgeliyey dekadda Garacad oo noqotay isku-tashi ku dayasho mudan.

•Bogaadinayaa dadaalka ay Dowladda Puntland ugu jirto horumarinta hannaanka dimuqraadiyadeynta iyo qabashada doorashooyin qof iyo cod ah.

•    Bogaadinayaa dadaalada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto xoojinta xiriirka kala dhexeeya saaxiibada caalamka.

QODOBADA SHIRKA KA SOO BAXAY

Iyada oo la tixraacayo qodobadii ka soo baxay Warmurtiyeedyadii shirarkii Golaha Wadatashiga Qaran ee 12 June iyo 12 September 2022, Goluhu wuxuu ka wada hadley kuna heshiiyey qodobada soo socda:

1.SUGIDDA AMNIGA IYO LA DAGAALANKA ARGAGIXISADA

•Golohu wuxuu isla qaatay ka ciribtirka kooxaha khawaarijta dhammaan dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Golohu wuxuu isku raacey in howlgallada la waafajiyo istratejiyad qaran ee la dagaalanka khawaarijta la iskuna dubarido dadaalada kala duwan.

•Golohu wuxuu isla qaatay dhaqan-gelinta  heshiiska Qaab-Dhismeedka Amniga Qaranka ee la saxiixay April 2017, wixii farsamo ahna waxaa ka shaqayn doona guddi farsamo.

•Golohu wuxuu dhiirigelinyaa dardargelinta qorshaha kala guurka ee ciidamada qaranka ay kagala-wareegayaan mas’uuliyadda amniga ciidamada ATMIS si dhameystiran.

2.GURMADKA ABAARAHA IYO LA TACAALIDDA SAAMEYNTA ISBEDDELKA CIMILADA

•Goluhu wuxuu diiradda saaray saamaynta abaaraha soo noqnoqonaya ee dalka ka jira iyo raadka ay ku reebaayaan hab nololeedka bulshada Soomaaliyeed. Goluhu wuxuu hay’adaha gargaarka farayaa dardargelinta gurmadka abaaraha.

•Goluhu wuxuu sidoo kale isla qaatay baahida weyn ee loo qabo maareynta iyo la tacaalidda saameynta is-baddelka cimilada iyo dhisidda kaabayaasha u adkaysiga aafooyinka.

3.DARDARGELINTA DIB-U-EEGISTA DASTUURKA

•Goluhu wuxuu isla qaatay in mudnaan gaar ah la siiyo qodobada wada-xaajoodka siyaasadeed u baahan si loo dhameystiro dib-u-eegista dastuurka KMG.

•Goluhu wuxuu isku raacay in XFS iyo DXDF ay soo dhammaystiraan xubnaha ka dhimman Guddiyada u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka KMG.

4.DIMUQRAADIYEYNTA IYO DOORASHOOYINKA

•In dalka laga dhaqan-geliyo nidaamka xisbiyada badan iyadoo dib loo milicsanayo xeerarka xisbiyada iyo doorashooyinka.

•In dalka oo dhan laga hirgeliyo doorashooyin xor ah oo hufan kuna saleysan codbixiyeyaal diiwaan-gashan iyo xisbiyo u tartama goleyaasha heerarka kala duwan.

•In dalka laga qabto laba doorasho; mid Heer Federaal ah iyo mid Dowladaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka.

5.JADWALKA IYO HABRAACA SHAQO EE GOLAHA WADATASHIGA QARAN

•Golohu wuxuu isku raacay in uu samaysto habraac shaqo oo qeexaya hannaanka loo marayo heshiisyada, qaab-dhismeedkiisa, hawlaha golaha, qodobada wada-xaajoodyada iyo dhaqan-gelinta go’aamada Golaha.

•Goluhu wuxuu isku raacay in labada shir ee soo socda ay qabsoomaan Disember 2022 iyo Febraayo 2023.

Xildhibaano ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo loo dhaariyay ka mid noqoshada Pan African Parliament.

0

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta loo dhaariyay ka mid noqoshada Pan African Parliament.

Xildhibaanadaan ayaana ku meteli doona Pan African Parliament baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha shacabka BJFS Mudane Shiekh Aadan Maxamed Nuur (madoobe) ayaa dhawaan umagaacabay xildhibaanadaan in baarlamaanka wakiil uga noqdaan Pan African Parliament.