Home Blog Page 3

Wasaarada Waxbasrashada Xukuumadda Soomaaliya oo Fasaxday Goobaha Waxbarshada ee ku yaala Magaalada Muqdisho

0

Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaaalka ah ee Soomaaliya ayaa fasaxday muddo Saddex Cisho ah goobaha waxbarashada ee kuyaalla Caasimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa lagu yiri” isaga oo ka amba qaadaya fulinta Warsaxafadeedkii ka soo baxay shirkii Golaha Wasiirrada ee degdegga ahaa ee uu Guddoominayay Reysal wasaare Xamse Cabdi, kaas oo qodobkiisa 4aad dhigayay in goobaha waxbarashada la fasaxo muddo saddex maalmood ah, si ay ardayda Soomaaliyeed waqti ugu hesho sii wadista gurmadka socda ee loogu gurm anaayo dhibanayaasha, wax ka soo gaareen xasuuqi ka dhacay Soobe.

Wasiirka ayaa sidaa darteed waxa uu faray goobaha waxbarashada in la xiro, gurmadkana laga qaybqaato fursadna loogu heo in si siman loogu wado gurmado dhibanayaasha ku waxyeeloobay qaraxyada.

Wasaaradda ayaa sidoo kale hakisay bixinta adeegyadii Waxbarshada ee Wasaaraddu u qaban jirtay bulshadda Soomaaliyeed, maadaama hawlwadeenada Wasaaradda ay ka qayb qaadanayaan gurmadka dadkii dhibaatada kasoo gaartay weeraradii waxuushnimo ee argagaxisada ka gaystay magaalada Muqdishu.

Sidaa darted Wasaaradda Waxbarashadda waxa ay Shacabka Soomaaliyeed lasoo wadaagi doontaa wakhtiga dib loo furayo bixinta adeegyada Waxbarshadda.

Ciidamada Somaliland oo la wareegay gacan ku heynta Degmada Boocame ee Gobolka Sool

0

Wararka ka imaanaya Gobolka Sool ayaa sheegaya in Ciidamada Somaliland ay la wareegeen degmada Boocame ee gobolka Sool oo ahayd magaalada ugu weyn ee Puntland ay gacanta kaga haysay gobolka Sool, sida ay ku soo warramayaan weriyaasha degmadaasi.

Guutooyin ka tirsan millateriga Somaliland ayaa galay magaalada; iyada oo ciidamadii Puntland ay meelo aan ka fogayn magaalada fariisimo ka samaysteen.

Boocame oo Garoowe u jirta 40km ayaa kamid ah Goobaha tirada yar ee gobolka Sool ee Puntland u qorshaysay in ay ka qabato doorashooyinka qof iyo cod.

May be an image of 4 people and outdoors

Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in lacag dhan Halmalyan oo doolar ay ku deeqday Gurmadka Dadkii ku dhaawacmay Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa xalay shir guddoomiyay shir Golaha Wasiirrada oo degdeg ah oo looga hadlayey gurmadka dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadii ay shaley magaalada Muqdisho ka geysteen Alshabaab ‘ Waxaana ka soo baxay qodobaddan soo socda.

  1. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay lacag dhan hal million oo dollar ku deeqday sanduuqa gurmadka wax loogu qabanayo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyada waxashnimada ah ee Alshabaab ay la beegsadeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
  2. Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay kafaala qaadeysaa daweynta iyo daryeelka dadka ku dhaawacmey qaraxyadii eka dhacay KM5.
  3. Waxaa kale oo Goluhu isku raacay in la kafaala qaado waxabarashada carruurta ay ka tageen shuhaddadii ku nafweysay qaraxyadii shaley, iyadoo laga ambaqaadayo balanqaadkii uu jeediyay Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud markii uu booqday goobta uu qaraxa ka dhacay.
  4. Waxaa xukuumadda ay fareysaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Hiddaha in muddo saddex maalmood ah la fasaxo goobaha waxbarashada si ay waqti ugu helaan ardeyda sii wadista hawlaha gurmadka socda ee loogu gargaarayo dhibbaneyaasha weeraradii dhacay.
  5. Waxaa dhammaan Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda la farayaa inay si buuxda uga qeyb qaataan gurmadka socda.
  6. Waxaa Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku dhawaaqeysaa qaadista talaabooyin cad cad oo amniga lagu sugayo, lana sameynayo isbeddelo degdeg ah oo la jaanqaadaya xaaladda dalka ka jirta.
  7. Waxaa uu Golaha Wasiirrada si xushmada leh uu shacabka Soomaaliyeed uga codsanayaa inay yeeshaan feejignaan dheeri ah, samir, dulqaad iyo adkeysi inta lagu guda jiro hawlgalka lagu ciribtirayo cadowga khawaarijta oo dhammaan goobihii ay isku fara saareen Ciidammadda Qaranka iyo shacabka taageeraya looga adkaadey, sidaa darteedna ay iyagoo naf la caari ah isku dayayaan inay beegsadaan shacabka masaakiinta ah.
  8. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale balanqaadeysaa in Khawaarijta dalka laga cirib tirayo, isla markaana ay Ciidammada Qalabka Sida sii wadi doonaan gulufka guulaha badan laga gaarey, kaas oo khawaarijta lagu gaarsiiyay khasaare ballaaran.
  9. Waxaa kale oo uu Golaha Wasiirrada isku afgartey in In dib loo yagleelo Bankiga Kaydka Dhiigga ee heer qaran si sare loogu qaado adeegga caafimaadka ee shacabka Soomaaliyeed.

Goluhu wuxuu mar kale tacsi u diray qoysaska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen shuhaddadii shaley ku naf waayey weerarada waxashnimada ee naf lacaariga khawaarijta ku qaadeen goobaha rayidka, iyadoo dhinaca kalena mahad celin loo jeediyay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada ee isku xilqaamey gurmadka qaraxyadii ka dhacay KM 5.

Shirkaan aan caadiga ahayn ayaa Goluhu waxaa kale oo uu ku dhegeystay warbixino ay soo jeediyeen Taliyeyaasha ciidamada Xoogga dalka, Booliiska, Nabadsugidda iyo Guddiga Gaarka ah ee Golaha Wasiirrada ee Ra’iisul Wasaaruhu u magaacabay Gurmadka Qaraxyadii dhacay shaley, madaxda laamaha amniga iyo Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Gobolka shabeelaha Dhexe & saraakiil Ciidan oo gaaray Degaanka Masaajid Guduud

0

mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabellaha dhexe oo uu horkacayo Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa gaaray degaanka Masaajid Cali Guduud oo lagala wareegay Al-Shabaab

wafdiga Gudoomiyaha ayaa waxaa qayb ka ah Taliyaha Guutada 16aad ee kumaandooska gorgor Generaal Gacmaduule sareeye gaas Cabdullaahi Macalin Nuur Corneel Mukhtaar Alaalax oo kamid ah saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Hirshabelle Gudoomiyaha Degmada Raagacelle iyo mas’uuliyiin kale

Mas’uuliyiintaan ayaa socdaal ku soo maray wadooyinka dhexmara degaanka Masaajid Cali Gaduud ee Gobolka Shabellaha Dhexe

Gudoomiyaha Gobolka shabeelaha Dhexe ayaa Sheegay in gacan ku heynta Degaanka Masaajid Cali Guduud ay kusoo laabatay Dowladda isla markaana shacabka looga baahanyahay in dib degaankooda ugu soo laabtan lana shaqeeyaan Ciidamada Amniga

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa xusay in uu dhamaaday waqtigooda Al-shabaab dhawaana laga xureyn doono degaaanada kale ee ay kaga suganyihiin Gobolka Shabellaha dhexe

Xildhibaano ka Tirsan Golaha shacabka oo oo baaqday Dadkii ku waxyeeloobay Qaraxyadii ka dhacay Isgoyska Soobe

0

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxay booqdeen Cisbitaalada lagu dabiibayo dadkii ku waxyeeloobay, Qaraxyadii lala beegsaday dadka birmu-geydada ah ee lagu gumaaday Isgoyska Zoobe ee Muqdisho, Xildhibaannada oo mid mid u dul istaagay dhaawacyada ayaa waxa ay Alle uga baryeen inuu caafimaad deg deg ah siiyo, sidoo kale Xildhibaannada ayaa deeq lacag ah gaarsiiyay bukaanada ku jira Cispitaalada.

Xildhibaannada ayaa dhammaan ka codsaday mas’uuliyiinta Dowladda, Hay’addaha gargaarka, Ganacsatada iyo Shacabka Soomaaliyeed in gargaar deg-deg ay gaarsiiyaan goobaha Caafimaadka iyagoo adkeeyay in dhaawacyada weli ay u baahan yihiin dhiig iyo daryeel Caafimaad.

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug oo markii Ugu horreysay Gole Degaan loo sameynaayo

0

Qaar ka mid ah Dadweynaha ku nool Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta u dareerey Doorashada Xildhibaanada golaha deegaanka oo ay noqoneyso markii ugu horreysay ee Magaalada Dhuusamareeb ay yeelato golle deegaan.

Ergo dhan 5-xubnood ayaa kala dooran doonta kursi walba oo gollaha kamid ah, waxaana kursigiiba ku tartamaya labo xubnood.

Wasaradda arrimaha gudaha Galmudug ayaa dhawaan sheegtay in  Dhuusamareeb ay tahay degmadii Shanaad ee golle deegaan loo dhisayo, waxaana hore Gole degaan lagu guuleystay in loo sameeyo Degmooyinka ‘ Gaalkacyo, Cadaado, Balanballe iyo Caabudwaaq oo howsheedu dhamaad ku dhowdahay.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo maanta Xukun dil ah ku fulisay 3 Nin oo lagu Eedeeyay in Alshabaab ay ka tirsanaayeen

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta fagaaraha Iskuul Boluusiya ee Magaalada Muqdisho waxaa ay xulunkii dilka toogashada ahaa ku Fulisay Saddex rag ah oo ka tirsanaa Al-shabaab kuwaas oo lagu helay Qaraxyo ay ku dileen Shacab & Masuuliyiin kale.

Raggaan oo lagu kala Magacaabi jiray Xasan Macalin Cali Barre (Boy) , Abtigiis Sayid Cali Aadan Nuur (Istiimoow) iyo Isaaq Keerow Aadan, kuwaas oo Maxkamadda Ciidamada ay xukunka dilka toogashada ah ku riday Bishii December ee sanadkii 2019-kii.

Xasan Macalin Cali Barre (Boy)  ayaa sigaar ah loogu helay in uu wade ka ahaa Gaari qarax siday oo ku qarxay Suuqa Xaafada Kaawa Godeey ee degmada Wadajir, kaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 12 Ruux tiro kalena ay ku dhaawacmeen, halka Isaaq Keerow Aadan lagu helay in uu qeyb ka geystay dilal qorsheysan & weeraro ka dhacay Gobolada, Shabeellaha Hoose, Banaadir iyo Hiiraan.

Nuur Ibraahim Mahad-alle oo katirsanaa Ciidamada gaarka ah ee Booliska, balse sidà maxkamaddu sheegtay laga saaray kadib markii uu lunsaday Hub ay dowladdu laheyd, isla markaana uu intaasi kadib ku biiray Alshabaab , isaga oo ka dambeeyay qarixii lagu dilay guddoomiye kuxigeenkii Amniga degmada Maxaas, waxaana xukunka dilka toogashada ah lagu riday 30-kii Bishii Octoober ee sanadkii 2019-kii.

Xeer ilaaliye kuxigeenka Maxkamadda Cuidamada Qalabka sida Maxamed Cabdullaahi Khaliif ayaa Warbaahinta u sheegay in saddex sano kadib dil toogasho lagu fuliyay Saddexda Nin ee ka tirssnaa Al-Shabaab laguna helay dilalka iyo weeraro in ay geysteen.

Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo Gudi u saaray Qaraxyadii ka dhacay Isgoyska soobe

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya hawlaha gurmadka ee qaraxii KM5.

Ra’iisul Wasaaraha oo xiganaya qodobada 99 iyo 100 ee Dastuurka KMG ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kana jawaabaya baaxadda khasaaraha ka dhashay qaraxii ka dhacay Isgoyska KMG iyo mudnaanta ay leedahay in daryeel degdeg ah loo fidiyo dhibbanayaashii waxyeelladu ka soo gaartay qaraxyada, wuxuu magacaabay Guddi Heer Qaran ah oo shaqeyn doona tan iyo inta laga soo gabagabeynayo hawlaha gurmadka. Xubnaha Guddiga Gurmadka oo ka kooban 10 qofood, waxay kala yihiin sidan:

1. Dr. Cali Xaaji Aadan Wasiirka Caafimaadka Guddoomiye

2. Dr. Maxamed Axmed Sh Cali Wasiirka Amniga Gudaha Xubin

3. Faarax Sheekh Cabdiqaadir Wasiirka Waxbarashada Xubin

4. Daa’uud Aweys Jaamac. Wasiirka Warfaafinta Xubin

5. Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Haweenka Xubin

6. Abshir Maxamed Axmed Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Xubin

7. Xirsi Jaamac Gaani Wasiiru dowlaha XRW Xubin

8. Yuusuf Xuseen Jimcaale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xubin

9. Maxamuud Macallin Cabdulle Guddoomiyaha SODMA Xubin

10. Cabdulqaadir Cabdullaahi Faarax Maareeyaha NEOC Xogheyn

Guddigan uu Ra’iisul Wasaaruhu magacaabay ayaa u xilsaaran waajibaadka soo socda:

1. Hubinta iyo la socodka qasaarihii ka dhashay qaraxii bahalnimada ahaa ee 29/10/2022.

2. Fidinta caawimaad deg deg ah dadkii wax yeeladu ka soo gaartay qaraxyada.

3. Diiwaan gelin iyo baadi goobka dadka la la’yahay.

4. Isku xirka iyo isku dubaridka howlaha Gurmadka

5. Xal u helidda iyo xoojinta adeeg-yada caafimaad ee Isbitaallada Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Faray Wasaarada Caafimaadka in Gurmad Deg Deg ah loo sameeyo Dadkii ku waxyeeloobay Qaraxyadii shalay Muqdisho ka dhacay

0

Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay Tagay isgooyska Soobbe ee magaalada Muqdisho si uu ugu kuur galo baaxadda dhibaatada xooggan ee ka dhalatay qaraxyadii arxan darrada ahaa ee Al-shabaab ay shalay la beegsadeen muwaadiniinta birmu-geydada ah ee ku sugnaa goobtaas.

Madaxweynaha oo ku suganaa burburka dhismaha Masaajid ku dumay qaraxyadii shalay ayaa tilmaamay in weerarkan bahalnimada ah uu sababay dhimashada tobonnaan qof oo ku tukanayey masaajidkan, taas oo ka mid ah dhacdooyinka naxdinta leh ee laga diiwaan geliyey.

“Dadkeennaan la xasuuqay ee birmu geydada ah, waxaa ku jiray hooyooyin ilmahooda dhabta ku haysta, aabeyaal xaalad caafimaad u socday, arday waxbarasho loo soo diray, ganacsato la daalaa-dhacaysay nolosha qoysaskooda, macallimiin iyo dhakhaatiir u adeegayey dadkooda. Qofka intaas xasuuqay, maxay tahay qiilka uu u haysto, diinta uu daliishanayo iyo dadnimada uu sheegan karo”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa faray Xukuumadda in gurmad caafimaad oo deg deg ah ay u fidiso dadka dhaawacyadu ay soo gaareen, qaarka xaaladoodu ay culustahayna loo diyaariyo gargaar caafimaad, si degdeg ahna ay ugu shaqeyso isku duburidka gurmadka shacabka Soomaaliyeed ee ka murugeysan xaaladdan adag.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay u istaagaan samata-bixinta dadkooda ku dhibaatoobay qaraxyadan argagixiso, loona midoobo sidii gurmad iyo daryeel ay u heli lahaayeen qoysaska, ubadka iyo waalidiinta ay inoo ka tageen muwaadiniinta ku shahiiday qaraxyadan murugada leh.

Sidoo kale, Madaxweyne Sheekh Maxamuud oo dhiniciisa uu joogo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in dowladdu ay waxbarasho bilaash ah siineyso dhammaan ubadka Soomaaliyeed ee waalidiintooda ay ku shahiideen qaraxyada argagixisanimo ee ka dhacay dalka.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey dhammaan muwaadiniinta ku shahiiday qaraxyada argagixisanimo in uu fadhigooda ka yeello Jannatul Firdowsa, inta dhaawacyada ahna uu siiyo caafimaad degdeg ah.

Ciidanka dawlada Federaalka oo la wareegay Degaanka Masaajid Cali Guduud

0

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Masaajid Cali Guduud oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe .

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo Gorgor ayaa AlShabaab bur buriyay ku dhufeeysyadii ay ay ku sugnaayeen Alshabaab ee Degaanka Masaajid Cali Guduud halkaasna Ciidanka dawlada & kuwa degaanka ay la wareegeen.

Masaajid Cali Gaduud ayaa ahaa goob aad muhiim ugu ah Alshabaab oo muddo badan ay ka talinaayeen ,