Home Blog Page 4

Wadamada Qadar & Turkiga oo cambaareeyay Qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdisho

0

Wadamada Turkiga iyo Qadar ayaa si weyn u cambaareyay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Mudisho, kuwaas oo in ka badan 100 qof ay ku dhinteen ugu yaraan 300 kalena ay ku dhaawacmeen.

“Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ku celisay diidmada adag ee Qadar ee ku aaddan rabshadaha argagixisanimada la xiriira iyo sababaha dhiirragaliya” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Qadar.

Dowladda Turkiga ayaa iyana sheegtay inay aad uga xun tahay weeraradii shalay.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa falkaas foosha xun ee argagixisanimada ahaa, waxaana u rajeyneynaa in Allaha u naxariisto intii ku geeriyootay, waxaan tacsi u direynaa ehelada iyo sidoo kale dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee aynu nahay saaxiibada iyo walaalaha” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

Tirada Dadkii ku waxyeeloobay Qaraxyadii shalay ka dhacayu Muqdisho oo korortay

0

Ugu yaraan 100 qof ayaa ku dhintay ku dhawaad 300 oo kalena way ku dhaawacmeen laba qarax oo baabuur loo adeegsaday, sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa arrintan ku dhawaaqay kadib markii uu booqday goobtii uu weerarku ka dhacay, waxaana uu ka codsaday beesha caalamka inay u soo diraan dhaqaatiir iyo agab caafimaad si ay ula tacaalaan dhaawacyada.

Madaxweynaha ayaa ku booriyay shacabka in ay tagaan isbitaalada oo ay dhiig ugu deeqaan dadkii ku dhaawacmay weerararadan.

Waxa uu sidoo kale ballanqaaday in waxbarasho lacag la’aan ah uu siin doono carruurtii ay ka tageen dadkii lagu dilay weerarradii Sabtidii iyo sidoo kale carruurta dhibanayaasha ee ku dhintay weerarrada kale ee Al-shabaab.

Qaraxyadan oo loo adeegsaday baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala beegsaday xarunta wasaaradda waxbarashada oo ku taalla mid ka mid ah isgoysyada ugu mashquulka badan ee caasimadda.

Madaxeynaha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka kahor inta uusan booqan goobta, waxa uu cambaareeyay weerarka, isaga oo sheegay in uu ahaa “Weerar Argagixiso oo fulaynimo ah oo ay ku qaadeen dad aan waxba galabsanin oo ay ka dambeeyaan kooxda dambiileyaasha ah ee Al-Shabaab”.

Wuxuu wacad ku maray in weerarka uusan niyad jabin doonin dadaalka ay wadaan dowladda iyo dadka dalka.

“Dowladda & dadkeena geesiyaasha ah waxay sii wadi doonaan inay Soomaaliya ka difaacaan shar-wadeyaasha,” ayuu kusoo qoray bartiisa Twitter-ka.

Dadka ku dhintay qaraxyadaas waxaa ka mid ah wariye Maxamed Ciise Koona oo ka mid ahaa suxufiyiinta ka howla gudaha dalka sidoo kalana la aasay medkiisa maanta .

Sidoo kale Wariye Cabdulqaadir Maxamed Cabdulleoo u ka tirsan laanta Afka Soomaaliga ee VOAda, iyo Feysal Cumar oo u shaqeeya wakaaladda wararka ee Reuters ayaa iyaguna ku dhaawacmay qaraxyadaas

Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shir Muhiim ah uga qayb galaya Dalka Aljeeriya

0

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cilmi Maxamuud Nuur ayaa gaaray Magaalada AlJiers ee Dalka AlJeria, halkaas oo uu uga qeyb gali doono shirka Wasiirada Maaliyadda Dalalka Jaamacadda Carabta.

wasiirka ayaa Waxaa soo dhaweyn u sameeyay Wasiirka Ganacsiga Xukumadda Algeria Mudane Kamal Razik iyo Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Algiers Mudane Cabdulwahab Mocalim Maxamed.

Tahriibayaal lagu Badbaadiyay Xeebaha Dalka Talyaaniga

0

Ciidamada Ilaalada Xeebaha Talyaaniga ayaa Arbacadii sheegay inay Badweynta Mediterranean-ka kasoo badbaadiyeen in ka badan 1,000 Tahriibayaal ah oo la socday laba doomood oo kalluumaysi, halka laba qof oo kale oo mayd laga soo saaray badda.

Labadan hawlgal ee “isku-dhafan” ee xeebaha Syracuse ee Sicily, oo ay ku lug lahaayeen doomo ka yimid Liibiya, ayaa daba socday digniin Talaadadii ka timid khadka isgaariinta marinktaas ee Alarm oo ah koox maamusha khadka tooska ah ee muhaajiriinta u baahan samatabbixinta.

Doontii ugu horeysay, oo qiyaastii 35 mayl u jirta xeebta Sicilian, markab ay leeyihiin ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa soo badbaadiyay 416 muhaajiriin ah, halka markab ilaalada Spain oo la shaqeeya ciidamada xudduudaha Midowga Yurub ee Frontex uu badbaadiyay 78 kale.

Dooni labaad oo kalluumeysi, oo 60 mayl u jirta xeebta, maraakiibta ilaalada xeebaha iyo booliiska dambiyada maaliyadeed ee Talyaaniga ayaa kusoo baxay si ay u badbaadiyaan 663 muhaajiriin ah.

Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa wacad ku martay Talaadii inay joojin doonto dadka tahriibayaasha ah ee ka imaanaya qaarada Afrika, iyadoo khudbadii ugu horeysay ka jeedisay baarlamaanka tan iyo markii ay xafiiska la wareegtay dhamaadkii todobaadka.

Meloni waxa ay sheegtay in dowladeeda, oo ah tan ugu midigta fog dalka tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka, ay doonaysay in ay “joojiso tahriibka sharci darrada ah, ayna jebineyso ka ganacsiga tahriibka”, gaar ahaan iyada oo ka hortagaysa dadka soo baxaya Liibiya oo ay dhibaatadu saamaysay.

Shirka Madasha watashiga Qaranka oo maanta ka Furmay Magaalada Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka furmay Shirka Madasha Wada Tashiga Qaranka, iyadoo uu shir guddoominayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka ayaa waxaa qeyb ka ah Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Xamba Cabdi Barre, maamulka gobolka Banaadir, iyo maamul goboleedyada kale ee Soomaaliya.

Shirka Madasha Wada Tashiga Qaranka, ayaa marar kala duwan waxaa isugu yimid dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleed yada.

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan ka yeeshay xiijin dagaalada ka dhanka ah Alshabaab

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa kulan looga hadlayay dagaalanka ka dhan ah al-Alshabaab, waxaa uu la yeeshay saraakiisha Hoggaanada taliska guud ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa looga gollaha jiheynta howlaha horyaala Taliska Ciidanka Xoogga iyo qorshayaasha dalka looga saarayo Alshabaab

Madaxweynaha Soomaaliya & Amiirka Dalka Qadar oo Qadka Telefoonka ku wada hadlay

0

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim Bin Xamad,ayaa khadka taleefanka ku wada hadlay, Intii uu socday wadahadalka ayaa labada dhinac waxa ay uga wada hadleen xiriirka labada dal ee iskaashiga wada shaqayn leh iyo sidii loo horumarin lahaa.

Labada Mas’uul ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee diblomaasiyadda caalamiga ah iyo mida  gobolka.

Maxay Ka Wada hadleen Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre & Madaxa Xafiiska Somaaliya ee Qaramada Midoobay?

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Xafiiska Qaramada Midoobay ee taageera Soomaaliya (UNSOS) Lisa Filipetto.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta wadashaqeynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya, gaar ahaan xilligan ay socdaan hawlgallada iyo dagaalka ay hormuudka u tahay dowladda kuwaasi lagu ciribtirayo kooxda argagixisada.

Waxay si gaar ah uga wada hadleen sidii deg deg loogu gaarsiin lahaa adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin shacabka ku sugan deegaannada laga xorreeyay argagixisada.

Ra’iisal Xukuumadda Soomaaliya oo Daahfuray Barnaamijka horumarinta korantada Dalka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta daah-furay qorshaha hormarinta korantada dalka oo qayb ka ah qorshaha xukumadda ee tiirka Horumarinta Arrimaha bulshada.

Barnaamijka horumarinta korantada Dalka oo ku baxayso lacag dhan 150Milyan oo dollar, ayna fulinayso wasaaradda korantada iyo biyaha oo kaashanaysa bangiga Adduunka, ayaa soconaya mudo 5 sano ah, waxaana loo qorsheeyay in 11 magaalo oo ka mid ah dalka laga hir-geliyo koronto gelin loogu samayn doono goobaha waxbarashada iyo caafimaadka ee dhamaan gobollada dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa munaasabadda daah-furka ka sheegay in nolosha casriga ah ay korontadu saldhig u tahay oo la’aanteed aan dhaqaale la horumarin karin, amni la sugi karin, waxbarasho iyo caafimaadna la tayeyn karin, sidaas darteed ay lagama maarmaan tahay in la helo tamar casri ah oo dadkeenna siisa fursad ay dunida kula jaan qaadi karaan.

Xukuumadda Dan-qaran ayaa qorshaheeda siyaasadeed waxaa saldhig u ah horumarinta adeegyada bulsho dalka ee ku burburay dagaalladii sokeeye iyo xoreynta deegaannada cadawgu ku dhibaateyn jireen shacabka Soomaaliyeed.

Qaramada Midoobay oo ku baaqday in la caawiyo Dadka ka barakacaya dagaalada ka socda Soomaaliya

0

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Filippo Grandi ayaa sheegay in loo baahan yahay tallaabooyin deg deg ah siiba Bariga Afrika si loo ilaaliyo tirda sii kordheysa ee dadka ay baro kicinayaan abaaraha iyo iska hor imaadyada.

Mr Grandi ayaa muddo afar maalmood ah wuxuu ku sugnaa dalalka Kenya iyo Soomaaliya halkaas oo hal milyan iyo bar dad ah ay ku khasbanaadeen inay guryahooda kasoo qaxaan sababo la xiriira abaaraha ba’an kadib afar sano oo isku xigta oo roobabkii aanay di’in.

Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id oo ka dhacay caasimadda Nairobi ayuu ugu baaqay Madaxweyneyaasha labada dal inay si wadajir ah uga wada shaqeeeyaan caawinta dadka kasoo barakacay saameynta abaaraha.

Waxaa kale oo uu sheegayururada caalamiga ah in mar horeba ay ka digeen gaajada iyo macluusha.

Sanadkii hore ayaa saraakiisha Kenya waxay ku hanjabeen in ay xirayaan labo xero oo waaweyn oo ay Soomalida ku jiraan iyagoo sheegaya in aanay sii heyn karin qaxootigaa.

Labadaas xero qaxooti ee Kaakuma iyo Dhadhaab ayaa weli furan , waxaa ku sugan tiro qaxooti ah.

Dhowr sano oo uusan roobkii la filayay di’in ama meelaha qaar uu aad ugu yaraa ayaa sabab u noqday in bulshooyinka xoolo-dhaqatada ah ee miyiga ku nool ay soo wajahdo cunno-yari iyo biyo-yari.

Marka laga soo tago xoolaha qoysas badan ka dhammaaday, dadka ayaa ka tagay deegaannadooda kaddib markii ay macluul soo food-saartay.

Qiyaastii 7 milyan oo qof oo Soomaali ah ayaa qarka u saaran inay cunto-la’aan ku dhacda, sida ay tabiyeen hay’adaha gargaarka. Tan iyo bishii January ee sanadkan ugu yaraan 448 carruur ah ayaa u dhintay nafaqo-darro, sida lagu xusay xog kasoo baxday hay’adda UNICEF.