Home Blog Page 75

Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka oo ka hadlay waqtiga ay bilaabaneyso codeynta Musharixiinta Madaxweynaha .

0

Gudoomiyaha gudiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya Sanatar Cabdiqani Geelle ayaa sheegay in qorshaha waqtiga ay bilaabaneyso codbixintu ahaa 11 ka barqanimo ee maanta balse dib u dhac ku yimid.

Waxa uu goobta doorahsada ka sheegay in codeyntu bilaaban doonto 2 da duhurnimo.

Wali waxaa ka maqan hoolka doorahsada qaar ka mid ah xildhibanaada iyo musharixiinta.

Beesha Caalamka oo fariin u dirtay Xildhibaanada labada Gole

0

Beesha caalamka ee Soomaaliya waxa ay soo saareen qoraal kooban oo ay uga hadlayaan doorashada. Xubnaha beesha caalamka ayaa ku boorriyay xildhibaannada labada aqal in ay “waajibaadkooda dastuuriga ah u gutaan si ay ku jirto danta dalka.”

“Waxaan ku boorinaynaa Xildhibaanada inay ku codeeyaan damiirkooda iyagoo dooranaya musharaxa ay rumeysan yihiin inuu la imanayo siyaasadda iyo tayada hogaamineed ee lagu hormarinayo nabad, xasillooni, barwaaqo, iyo dowladnimo suuban sanadaha soo socda,” ayay beesha caalamku ku tiri qoraalka ay fiidnimada caawa soo saartay. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa caawa ilaa Beri  subaxnimada Isniinta ah waxaa ka jiri doona bandaw ay booliiska Soomaaliya ku dhawaaqeen in uu ka hergalayo caasimadda. Booliiska ayaa sabab uga dhigay bandaw walaac dhanka amniga ah iyagoo mamnuucay dhammaan dhaqdhaqaaqyada

Ra’iisal Wasaare Rooble oo Hambalyo u diray Dhalinyarada

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey maalinta 15-Ka May oo ku beegan aas-aaskii ururkii gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in looga baahanyahey Dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ku deydaan halyeeyadii SYL ee dalka ka dulqaaday heeryadii gumeystaha shisheeye, dhexdana u xirtay dhismaha Qaranka Soomaaliyeed.

“Xuska 15-ka May ee sanad kan ayaa ku soo beegmay maalin muhiim u ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo la dooranayo Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed in ay u soo duceeyaan dalka, in Allah u dooro hoggaan wanaagsan.

Madaxweyne Farmaajo oo ubax dhigay Taalada SYL

0

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo taallada halgameyaashii SYL kaga qayb galay munaasabad lagu xusayey 79 guurada ka soo wareegtay aasaaska Ururka Dhallinyaradii SYL, aya taallada halgameyaasha dhigay ubax lagu maamuusayey doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee xorriyadda, midnimada iyo dowlad-dhiska dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabaddan qiimaha badan ee 15-ka May, isaga oo ku boorriyey in dhallinyaradu ay wax ka bartaan sooyaalkii halgan ee geesiyaashii SYL, sidoo kalena uu jiilba, jiilka ka dambeeya dhaxalsiiyo, maamuuskooda, taariikhdooda, halgankooda iyo dhaxalkii waddaniyadeed ee ay inooga tageen.

“Halyeeyadii SYL waxa ay baal dahab ah kaga jiraan sooyaalka dalkeenna iyo kan guud ee ummada Soomaaliyeed. Waxa ay ku sifaysnaayeen, midnimo, dhabar adayg, waddaniyad iyo ka fogaanta qabyaaladda, taas ayaana sabab u noqotay in ay xaqiijiyaan hiigsigii shacabka Soomaaliyeed ee ahaa in ay ka xoroobaan gumaystaha, noqdaanna dal madax bannaan oo karaamo iyo sharaf ku dhex leh dunida”

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugnaa Taallada Halgameyaashii SYL waxa uu xus iyo duco ugu sameeyey dhallinyaradii 13-ka ahaa ee horseeday xornimada dalka, isaga oo shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ku dhiirrigeliyey in ay ilaashaadaan midnimada iyo wadajirkooda, oo ah mabaadi’dii saldhigga u ahaa aasaaskii SYL.

Munaasabadda Ubax-dhigga Taallada SYL waxaa Madaxweynaha kala qayb galay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Agaasimaha Guuud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise

Diyaar garowgii ugu dambeeyay doorashada madaxweynaha oo ka socota Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda diyaar garowgii ugu dambeyay ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee afarta sano ee soo socota.Doorashadaan oo waqtigeedii dhaanftay wax ka badan sanad ayaa isha aad loogu wada hayaa, waxaana ku tartamaya in kabadan 30 murashax oo uu ku jiro madaxweynaha hadda talada haya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Teendhada Afisyooni oo ku taalla aag aad loo ilaaliyo ayay doorashadu ka dhacaysaa,waxaana inta badan ammaanka sugaya ciidamada ATMIS, ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika, ee horey loo oran jiray AMISOM.Waxaase jira ciidamo Soomaali ah oo aan badneyn oo ka qayb qaadanaya sugidda amniga gudaha goobta ay doorashadu ka dhacayso.

In ka badan 300 oo ka tirsan labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dooranaya madaxwewynaha,iyadoo la filayo in wareegayo kala duwan ay doorashadu qaadato maadaama musharrxiintu ay badanyihiin. Qaar ka mid ah musharxiinta ayaa saacadihii la soo dhaafay sheegay inay tanaasuleen halka qaarna ay sheegeen inay isaga hareen tartanka.

Olalihii ugu xoogganaa oo ay wadeen musharraxiintu ayaa xalay laga dareemay Muqdisho,waxaana mid walba uu u xusul duubayaa sidii uu ugu guulaysan lahaa talada dalka Soomaaliya oo muddo ay ka jiraan dhibaatooyin ay ka mid yihiin amniga,dhaqaalaha iyo caafimaadka,waxaana xubnaha tartamaya mid walba uu dhawaan baarlamaanka ka hor sameeyay ballan qaadyo uu wax kaga qabanayo arrimo badan oo dalka ka jira haddii uu xilka ku guulaysto.

Musharixiinta madaxweynaha Soomaaliya oo Hal Arin laga codsaday

0

Murashaxiinta u tartameysa Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxaa laga dalbadey iney kasoo jawaabaan codsi uu usoo gudbiyey Guddiga Doorsahada Madaweynaha.

Guddiga ayaa ka dalbadey murashax waliba inuu soo gudbiyo xubinta u tirneysa codadka.

Murashaxiinta, ayaa loogga digay haddii aaney kasoo jawaabin dalabka guddiga waqtigii looggu tala galey, inaanu lasoo gali doonin hoolka doorashada, ruuxa codka u tirinaya.

Maalinta bari ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

kulan looga hadlayay Amniga doorashada Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho+sawiro

0

Guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay maanta kulan ku saabsan amniga doorashada la yeesheen gudigga qabanqaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya  iyo sarkiisha sare ee howlgalka ATMIS.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Midowga Africa marwo Fiona Lortan, Taliyaha Guud ee (sector1) Maj. Gen William Shume, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo saraakiil sare oo ka tirsan howlgalka ATMIS iyo Booliska Soomaaliyeed

Kulanka ayaa saraakiisha lagu faray in ay ka wada shaqeeyaan sidii ay isaga kaashan lahaayeen in doorashadu ku dhacdo si nabdoon.

Halka lagu qabanayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la diyaariay

0

Guddiga isku dhafka Baarlamaanka ee doorashada Madaxwaynaha  ayaa diyaariyay Hoolka teendhada Afisyooni oo ay ka dhacayso 15-May doorashada madaxweynaha 10-aad ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

15-ka bishan oo beri Axad ah ku beegan ayaa loo madlan yahay in magaalada Muqdisho lagu qabto doorashada madaxweynaha oo ay ku tartamayaan 39-musharax, inkastoo mid ka mid ah musharaxiintaas uu tanaasulay.

Guddoomiyaha golaha shacabka Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay ahmiyadda ay leedahay doorashada dhici doonto maalinta Axadda ah ee lagu dooranayo madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay leedahay aragti mideysan oo dan u ah qaranka.

Amniga goobta doorashada ay ka dhaceyso iyo guud ahaan magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay,iyadoo taliska Booliska Soomaaliyeed bandow ay ku soo rogeen magaalada oo ka bilaabanaya Caawa Fiidkii 9:00Pm kuna eg 12-ka subaxnimo ee isniinta soo socota.

Madaxweyne Farmaajo oo lumiyay kalsoonida Xildhibaano badan oo ku tashanayay Codadkooda

0

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa noo xaqiijiyay  garabka madaxweyne Farmaajo ka baxeen xildhibaannadii ugu badnaa oo uu ku xisaabtamayay dib u doorashadiisa.

Musharrax Madaxweyne Farmaajo ayaa sida wararku sheegayaan lumiyay inta badan xildhibaannada laga soo doorto Koonfur Galbeed oo markii hore dhankiisa lagu tirinayay.

Xildhibaannada ka baxay garabka Farmaajo ayaa la sheegay in ay tan iyo xalay ku biireen dhinacyada musharrixiinta kala duwan ee ka horjeeda madaxweynaha mudda xileedkiisu dhammaaday.

Wararku waxa ay heegayaan in xildhibaannada ka baxay garabka Farmaajo ay kala aadeen musharrixiinta Xasan Shiikh Maxamuud Siciid Cabdullahi Deni iyo Shariif Shiikh Axmed.

Saadaasha soo baxaysa ayaa muujinaysa in ay yar tahay rajada dib loogu dooran karo madaxweyne Farmaajo kadib markii ay garabkiisa banneeyeen xildhibaannadii uu ku xisaabtamayay.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay qabsoonto maalinta berriya oo ku beegan 15 May oo ay hadda ka harsan yihiin wax ka yar 18 saacadood.

Dalalka Sweden iyo Finland oo ku biiraya Nato

0

Wadamada Finland iyo Sweden, ayaa ahaa Saaxiibada isbaheysiga NATO, iyagoo aan ka mid ahayn.

Xubinnimada waxey ka dhigan tahay haddii Ruushku uu weeraro iyaga, waxaa loola tacaamulayaa, sida in weerar lagu qaadey dhammaan dalalka NATO.

Go’aanka kama danbeysta ah, ayaa la filayaa in dalalkani ay gaaraan maalmaha soo socda.

Haddii ay ku biiraan isbaheysiga NATO dalalka Sweden iyo Finland, ayaa Ruushku wuxuu wajihi doonaa dalalka xubnaha ka ah isbaheysga ee dhaca Arctic-ga illaa iyo Badda Madow.