Home Blog Page 76

Bandow lagu soo Rogay magaalada Muqdisho

0

Afhayeenka booliiska Soomaaliya, Cabdulfataax Aadan Xasan, oo shir jaraa’id qabtey, ayaa sheegay in magaalada magaalada lagu soo rogey Bandow.

Sababta loo soo rogey bandowga, ayaa ah iney dhaceyso maalinta bari ah doorashada madaxweynaha Soomaaliya, taasoo u baahan waa sida uu yiri afhayeenkuye in la adkeeyo ammaankeeda.

Afhayeenku wuxuu sheegay iney xanibeen dhammaan dhaq dhaqaaqyada kala duwan, marka laga reebo xaaladaha degdega ah, oo ay tahay dadku iney la xiriiraan ciidanka booliiska, si markaa ay u helaan fasax.

Bandowgani ayaa bilaabanaya caawa fiidkii, marka ay saacadu ku beegan tahay 09:00 fiidkii, iyadoo uu dhammaan doono sida uu sheegay afhayeenku 06:00 aroorta hore ee maalinta Isniinta, oo ay taariikhdu ku beegan tahay 16-ka bisha May, 2022-ka.

Ololihii ugu dambeeyay doorshada Madaxweynaha oo ka socota Muqdisho

0

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda saacadihii ugu dambeeyay ee ololaha doorashada, iyada oo musharaxiinta, xildhibaannada iyo madaxda maamul goboleedyada ay u socdaan kulamo la xiriira codbixinta madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Berri oo ku beegan 15-ka May, ayaa la filayaa in doorashada madaxweynaha ay ka dhacdo teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho, waxaana doorashadan tartankeeda iska diiwangeliyay 39 musharax.

Musharaxa Dr. Cabbdinasir Cabdille Maxamed ayaa xalay farriin uu soo dhigay bartiisa Faceebook ku sheegay inuu ka haray doorashada madaxweynaha, isla markaana uu taageri doono musharaxa kale ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waana musharaxii labaad oo ka hara tartanka loogu jiro Villa Somalia.

Guddiga doorashada madaxweynaha ayaa bayaan ay Talaadadii soo saareen ku faah-faahiyeen amniga teendhada Afisyooni, halkaas oo ay ka dhici doonto doorashada madaxweynaya waxayna sheegeen in amniga teendhada ay si buuxda maalinkaas ula wareegi doonaan ciidamada Midowga Africa ee ATMIS, isla markaana guud ahaan xerada Xalane aan loo oggolyn ‘in wax hub ah lala soo galo maalinta doorashada.’

Musharrax Madaxweyne Sheekh Shariif oo kordhiyay Ololahiisa doorasho

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ahna murashax u masaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa saacadihii u danbeeyay laga dareemayay magaalada Muqdisho inuu xoojiyay ololahiisa dib u doorasho.

Skheh Shariif ayaa xalay hoygiisa kulan ku booqdo madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo aad u kala fogaayeen maadaama Lafta-gareen uu u ololeynayay madaxweyne Farmaajo.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Lafta-gareen ay ka wada hadleen dhameystirka doorashooyinka madaxweynaha, isagoona ugu mahad celiyay kaalintiisii doorashooyinka dalka.

Sheekh shariif sheikh Axmed ayaa kordhiyay Ololahiisa doorasho saacadihii la soo kor u qaaday iyadoo xalay uu Magaalada Muqdisho uu kula kulmay Madaxweynahayaasha maamulada Koofur Galbeed iyo Hirshabeele oo uu kala haladlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka

Hadal Jeeedinta Musharixiinta u tartameysa Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta la soo gabagabeeynaayo

0

Xildhibaannada labada Gole  ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Maalintii labaad ku kulmaya Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho, iyaga oo dhageysan doona 19-ka Musharrax ee xilka Madaxweynaha, kuwaas oo ah kuwa ugu dambeeya.

Xildhibaannada labada Gole oo shalay aad u yaraa hoolkana uu ahaa inta badan mid faaruq ah ayaa waxaa ay dhageysteen khudbadaha 20 Musharrax, waxana Maanta soo geba-gaboobi doona dhageysiga khudbadaha 39 musharrax ee u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Amaanka Teendhada Afisiyooni iyo waddooyinkaWadooyinka ka agdhow ayaa aad loo adkeeyay .

15 Bishaan May ee Maalinta Axada ah socota ayaa lagu wadaa  in Teendhada Afisiyooni lagu qabto Tartanka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ku tartami doona 39 musharrax ee buuxiyay shuruudihii looga baahnaa qofkaMusharixiinta .

Dad shacab ah oo ku geeriyooday Madaafiic ku soo dhacday xaafado ku yaala degaanka Biya cadde ee Gobolka shabeelaha Dhexe

0

Wararka ka imanaya deegaanka Biyo Cadde ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in madaafiic lagu weeraray Xalay  saldhig ay ciidamada ATMIS ku leeyihiin deegaankaas iyo xaafado ka tirsan Biyo Cadde ay sababeen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Madaafiicda Hoobiyaha  lagu soo waramayaa duqeeyay in Degaanka Biyo Cadde Xalay xilli Saq dhexe oo ay dadku jiifeenHurdayeen , Waxaana ay sabaabeen dhimashada 2 Ruux oo shacab ahaa oo kala ah  haweeney umul ahayd iyo ilmo yar oo ay dhashay,sidoo kale waxaa ay wararka sheegayaan in shan ruux oo rayid ah ay ku dhaawacmeen madaafiicdan.

Ra’iisal Wasaare Rooble oo xalay la kulmay Xildhibaanada laga soo doortay ceelwaaq kana dalbay in laba musharrax codkooda ay siiyaan

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay kulan casho ah la yeeshay 16-ka xildhibaan ee Golaha Shacabka, kuwaas oo dhawaan lagu doortay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, ee dowlad Goboleedka Jubbaland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Xildhibaannada ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda Qaran, kuna boorriyay in ay dalkooda ay matalaan si hufan ugu adeegaan.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa gobolada.com u xaqiijiyay in Ra’iisal Wasaare  Rooble uu dhisayo Xasan Sheekh iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed islamarkaana uu kala hadlay sidii Labadaas midkood codka loo siin lahaa.
Xildhibaanada lagu soo doortay Ceel-Waaq oo aan u suurtogelin inay codeeyaan doorashadii guddoonka golaha shacabka ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan doorashada madaxweynaha oo 15ka bishan ka dhici doonto magaalada Muqdisho.

Taliska Ciidanka Booliska oo ka hadlay Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

0

Afhayeenka ciidamada Booliska, Cabdifitaax Aadan Xasan oo Warbaahinta la hadlayay ayaa ka warbixiyey khasaaraha ka dhashay qarixii maanta ka dhacay isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa is-miidaamin uu qofka fuliyey bartilmaameedsaday gawaari ku sugneyd Bar koontarool oo Gaadiidka lagu baaro islamarkaana laga galo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska ayaa shaaca ka qaaday in bartilmaameedka qaraxa uu ahaa General Garabey oo ka mid ah saraakiisha ciidamada Xoogga dalka, kaas oo uu Baabuur uu watay taagnaa goobta, balse waxa uu sheegay inuu ka bad-baaday qaraxaasi, uuna haatan caafimaad qabo.

Sidoo kale waxaa uu Tilmaamay Afhayeenku in ruuxa is qarxiyey uu rabay inuu qabsado daaqadda gaariga oo ahaa nooca aan xabadda karin, sida uu hadalka u dhigay.

Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sidoo kale xaqiijiyey in qaraxaan ay ku dhaawacmeen illaa 7 qof oo la geeyey isbitaallada Madiina iyo Digfer ee magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, waxayna shaaciyeen  inay la beegsadeen  kolonyo ay wateen madax ka tirsan dowladda federaalka oo ku sii jeeday dhanka Xerada Afisyoone, sida ay ku sheegeen  qoraal ay ku baahisay Internet ka.

Maxay kawada hadleen Musharrax madaxweyne sheekh Shariif iyo Madaxweynaha Koofur galbeed ?

0

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Hoygiisa Muqdisho ku qaabilay Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Shariif Shekh Axmed oo ay ka wada hadleen Xaalada Dalka iyo Arimaha Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Musharax Madaxweyne sheekh shariif Sheekh Axmed ayaa loo saadaalinayaa in uu ku guuleystay doorashada madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyada Soomaaliya

Gudoomiyaha Golaha shacabka oo cambaareeyay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa cambaareyay weerarkii maanta ka dhacay bar koontorol oo u dhow agagarka KM4 ee Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa faray ciidamada ammaanka in dedaalkooda dheeriga ah muujiyaan lagana hortago weerarada abaabulan.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa Ebbe ugu baryay intii ku waxyeelowday qaraxa inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

Hadal Jeedinta Musharixiinta u tartameyasa Madaxweynaha soomaaliya oo lagu qabtay Teedhada Afisiyooni

0

Teendhada Afisiyooni ayaa waxaa ka dhacday dhageysiga khudbadaha musharrixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

20 Musharrax ayaa loo qorsheeyay in khudbadahooda jeediyaan, waxaana Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka musharrixii uyu horeeyay ee khudbadiisa u jeediyay uu ahaa Xasan Aadam Hoosoow Sidoo kale Musraxiinta kala ah Daahir maxamuud Geele ‘ Axmed Ducaale Geele xaaf iyo xasan Cali Kheyre ayaa iayagana khudbad u jeediyay Xildhibaanada labada Gole oo ay uga dhageysanaayeen Barnaamij Siyaasadeedkooda.

Guddiga doorashooyinka Madaxweynaha ayaa sheegay in musharax kasta la siiyay ilaa 15 Daqiiqo uu ku soo bandhigo barnaamij siyaasadeedkiisa.