Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay 9 eedeysane oo loo heysto falal isugu jira dil, dhaawac iyo dhac ay u geysteen dadweynaha ku nool caasimadda Muqdisho.
“Eedeysanayaashaan waxaan ku jira shabakado abaabulan, waxaa ku socota baaris, waxaana la horgeyn doonaa Maxkamadda awooda u leh,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Taliska qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir. Ciidamada Booliska ayaa maalmihii la soo dhaafay Hawlgallo ka waday Magaalada Muqdisho kaas oo looga hortagayo kooxaha burcadda ah ee dhaca geysta iyo kooxaha kale oo lagu tuhmayo in falal lidi ku ah Amniga ay ka sameynayaan magaalada Muqdisho