Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyed ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Maxamed Xasan Cali Dhiblaawe oo ku eedeysan in uu xalay fiidkii Degmada Dayniile ku dilay Hooyadii dhashay iyo abti hooyadiis la dhashay.
Marxuuminta geeriyootay ayaa lagu kala magacabaa Muraayo Muxumud Siyaad oo 55 sanno jir aheed iyo Yuusuf Muxumud Siyaad oo jiray 85 sanno, waxaana dilkaan uu u adeegsaday Tooreey.
Taliska Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Baanadir ayaa sheegay in la baarayo xaalada cafimaad ee eedeysanaha si sal looga gaaro waxa ku kalifay in uu waalidkiis dilo.