Howlgal ciidanka booliiska qeybta gobolka Banaadir ka fuliyeen qaybo ka mid ah Xaafadaha Magaalada Muqdisho , ayaa lagu soo qabtay Dad Ka kooban askar iyo kooxo kale oo hubeysan , oo magaalada muqdisho ka geestay falal isugu jira dilal, iyo dhac.
Booliiska gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay toban nin oo ku eedeysan in ay geesteen dambiyo kala duwan oo isugu jira dil, dhaawac iyo dhac ayaa xalay loo soo bandhiga, raggan ayaana loo gudbinayaa hay’adaha caddaaladda si loogu qaado ciqaabta dambiyada ay geesteen.
Qoraal ka soo baxay Taliska qaybta Guud ww Booliska gobilka Banaadir ayaa u qornaa sidaan:
” Ciidanka Booliiska gobolka Banaadir waxay gacanta kusoo dhigeen 10 eedeysane oo dembiyo kala duwan ka geystay degmooyin ka tirsan caasimadda, waxaa ku socda baaris, marka ay soo dhamaato waxaa loo gudbin doonaa Cadaaladda.”ayaa lagu yiri warka caawa kasoo baxay booliiska.