Home WARARKA Booliska oo u hanjabay Ganacsatada aan fulin amarka bixinta Canshuurta

Booliska oo u hanjabay Ganacsatada aan fulin amarka bixinta Canshuurta

51
0

Saraakiisha Taliska Booliska ilaalinta canshuuraha iyo saraakiil katirsan Wasaarada Maaliyada ayaa kormeer ku bilaabay goobaha ganacsiga sida ay u isticmaalayaan Merchant-ka maadaama dhawaan dowladda Soomaaliya ay billoowday Canshuurta laga qaadayo Shacabka ee ah Boqolkiiba Shan.
Mas’uuliyiintaan ayaa kormeeray Goobaha Ganacsiga ee kuyaalla degmooyinka Xamarweyne, Xamar Jajab, Waaberi, Cabdicasiis, Hodan, Howl-wadaag, Wartanabadda iyo Wadajir.
Madaxa Kormeerka Guud ee Laanta dhexe ee ilaalinta Canshuuraha iyo Dhaqaalaha Gaashaanle Xasan Cali Xasan iyo Taliye kuxigeenka ee ilaalinta Canshuuraha oo Ganacsatada la hadlay ayaa u sheegay inay u hoggaansamaan Awaamiirta dowladda ee ahaa isticmaalka Lambarka Merchantika, isla markaana ciddii fulin weysa tallaabo sharci ah laga qaadi doono.
Warkan kasoo baxay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Canshuuraha ee Booliska Soomaaliyeed ayaa kusoo aadaya xilli ay jiraan Goobaha Ganacsiga qaarkood oo aan fulin amarkii dowladda, kuwaas oo isticmaala EVC PLUS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here