Guddomiyihii hore ee gobolka Hiiraan haddana ah u qeybsanaha madaxweynaha Soomaaliya ee ciidamada macawuusleyda Cali Jeyte Cismaan ayaa dagaalkii ka dhacay Baladweyne ku eedeeyay in masuul ka yihiin maamulka Hirshabelle.
Cali Jeyte ayaa sheegay in ciidamo laga soo abaabulay kana yimid magaalada Jowhar weerar kusoo qaadeen magaalada Baladweyne, waxa uuna xusay in dagaalka dhaliyay khasaarooyin dhimasho ,dhaawac iyo kuwa hantiyadeed.
Waxa uu sheegay Cali Jeyte in rasaasta lagu ridayo magaalada Baladweyne laguna weeraray in ay tahay tii dowladda Soomaaliya laheyd, isagoona tilmaamay in ay la’yihiin rasaas ay Al Shabaab kula dagaallamaan , tii dowladdana Baladweyne lagu ridayo waa sida uuhadalka u yiri.
Guddoomiye hore Cali Jeyte ayaana sheegay in heshiiskii ay horey ula galeen Maxaas madaxweyne Xasan Sheekh dhankooda ilaaliyeen , balse dhinaca kale ay ka baxeen, isagoona caddeeeyay in ballantii ay dhowreen dhinaca kale jabiyeen .
Cali Jeyte oo sheegay in dagaalkii Baladweyne ka dhacay Jowhar laga soo Abaabulay