Home WARARKA Caqabadaha hortaagan Gudoomiyaha Cusub ee gobolka Hiiraan

Caqabadaha hortaagan Gudoomiyaha Cusub ee gobolka Hiiraan

64
0

Maamulka la magac baxay Hiiraan State ee dhawaan dagaalka kula wareegay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin in Magaalada Beledweyne uu ka Shaqeeyo guddoomiyaha cusub ee Maamulka Hir-Shabeelle u Magacaabay gobolka Hiiraan ee Muuse Salaad Wehliye.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ugu Magacaaban Maamulka Hiiraan State Cabdi Muumin Cilmi Xiish ayaa sheegay in cir iyo dhul ay ka xireen Magaalada Beledweyne, isla matkaana cid katirsan Hir-Shabeelle oo soo geli karta aysan jirin.

Wuxuu ugu baaqay Shacabka magaalada Beledweyne inay ka feejignaadaan weeraro kaga yimaado Ururka Al-Shabaab, wuxuuna ku hanjabay inay tallaabo ka qaadi doonaan Maamulka Cusub ee loo soo Magacaabay Gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here