Home WARARKA Ciidamada Amniga degmada Cadaado oo Hawlgal ku soo qabtay Koox masoomayaal ah

Ciidamada Amniga degmada Cadaado oo Hawlgal ku soo qabtay Koox masoomayaal ah

24
0

Ciidamada Boliiska Degmada Cadaado  gobolka Galgaduud  ayaa gacanta ku dhigay ku dhawaad 10 ruux oo masoomayaal ah ka dib howlgal ay ka sameeyeen dulleedka Degmada Cadaado .

Taliyaha saldhiga booliiska degmada  Cadaado labo xidigle Hussein Axmed Xaashi ayaa sheegay in ragga la soo qabtay ay in mudda ah kudaba jireen isla markaana  lagu guuleeystay soo qabashadooda.

Waxaa uu tilmaamay in la soo qabtay iyagoo waxyaabaha maanka dooriya ku isticmaalaya deegaanka Bali-higis ee banaanka Cadaado Waxaana la geeyay  saldhiga booliska Cadaado kuwaas oo  iskugu jiray odayaal iyo dhalinyaro maalin Ramadaan ah oo dadka ay sooman  yihiin isticmaalayey maandooriye.

Ugu dambeeyntii Raliyaha Saldhiga Booliska degmada Cadaado ayaa sheegay in Ragga la soo qabtay Talaabo adag laga qaadi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here