Home WARARKA Ciidamada Hindiya oo weeraray Burcad badeed Afduubatay Markab

Ciidamada Hindiya oo weeraray Burcad badeed Afduubatay Markab

101
0

Ciidanka badda ee dalka Hindiya ayaa  weerar culus ku qaaday burcad-badeeda Soomaali  ah  ee afduubatay markabka  MV Ruen, kaa oo laga soo afduubtay meel ka baxsan biyaha Soomaaliya.

Wasiirka dekaddaha iyo gaadiidka badda ee Puntland Axmed Yasiin Saalax ayaa sheegay in iska hor imaad xooggan uu dhax maray ciidamada badda dalka Hindia iyo burcad-badeeda afduubka u heesata markabka.

Ciidamada badda dalka Hindiya ayaa isku dayay in ay soo bad baadiyaan bad-maaxiyiinta la socota markabka la afduubtay, waxa ayna weerar dhowr jiho ah ku qaadeen markabka burcad-badeeda u afduuban oo ku sugan xeebaha Puntland.

Waxa uu sheegay wasiirka in burcad-badeeda afduubka u geesatay markabka ay hadda gaarayaan 30-nin oo aad u hubeysan, kuwaa oo isugu jira kuwii soo afduubtay markabka iyo kuwa kale oo gurmad ahaan ugu tagay.

Burcad-badeeda Soomaalida ayaa wararku sheegayaan in ay dileen qaar kamid ah shaqaalihii markabka saarnaa, waxa ay sidoo kale markab dagaal ku wareejiyeen mid kamid ahaa shaqaalaha markabka oo dhaawac soo gaaray.

Ciidamada Puntland ayaa dhankooda howlgalo kawada deegaanno dhaca xeebaha gobolka Mudug, halkaas ay doonayaan in ay ku beegsadaan kooxaha burcad-badeeda ee afduubka u geesatay markabka dhuxusha waday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here