Home WARARKA Ciidamada Midowga Yurub oo soo furtay markab ay afduubteen burcad badeeda...

Ciidamada Midowga Yurub oo soo furtay markab ay afduubteen burcad badeeda Soomaali ah

81
0

Markabka Ganacsiga ee MV Basilisk ayey sii daayeen Burcad-baddeedii, sida lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Hawlgalka Ciiddanka Badda Midowga Europe ee La-Dagaalanka Burcad-baddeeda ATALANTA.

Markabkaasi oo uu ka dul-babanayey Calanka dalka Liberia  ayaa la sii daayey, iyadoo ay 17-kii Badmaax ee la socday ay Bad-qabaan.

Balse, Mid ka mid ah Shaqaalaha Markabka MV Basilisk ayaa la dhaawacay.

 Burcad-baddeeda waxay shalay oo Khamiis ahayd gudaha u galeen Markabkaasi oo marayey meel 380 nautical miles dhanka Bari kaga toosan Xeebaha magaalladda Muqdisho.

Qoraalka Hawlgalka Ciiddanka Badda Midowga Europe ee  (OPERATION ATALANTA) waxaa lagu xusay inay ciiddankooda oo saarnaa Helikobtar ay xalay ku dul degeen Markabkaasi, taasi oo sababtay inay Burcad-baddeeda ku baxsadaan 2 Dooni nooca dheereeya oo ay wateen.

Lama soo werinin in Burcad-baddeeda lala dagaalamay, in xubno laga qabtay ama laga dhaawacay iyo inay Ciiddanka OPERATION ATALANTA ku raad joogaan Burcad-baddeedii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here