Home WARARKA Ciidamada Puntland oo Hawlgal ku soo qabtay Nin Watay Walxaha

Ciidamada Puntland oo Hawlgal ku soo qabtay Nin Watay Walxaha

29
0

Ciidamada PMPF ee Puntland  oo hawlgallo ka sameeyey magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay nin ku hubaysan Walxaha Qarxa, kaasoo ka tirsan Al shabaab ama Daacish

Qoraal ka soo baxay Ciidanka PMPF Puntland ayaa u qornaa sidaan

Ciidanka PMPF oo howlgallo ka sameeyey xalay saqdii dhexe magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku dhigay nin ku hubaysan walxaha qarxa, kaas oo la sheegay inuu ka tirsan yahay kooxaha argagixisada ataa lagu yiri qoraalka .

Howlgalladan qorshaysan ayey ciidanka PMPF xalay ku qabteen bambooyinka gacanta ee sababa qaraxyada xooggan, gaadiidkii lagu wadey iyo ninkii watay.

War kasoo baxay PMPF ayey ku sheegeen in  hubkaasi ujeedkiisu ahaa in lagu waxyeeleeyo shacabka magaalada Boosaaso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here