Home WARARKA Ciidamadda Dawlada oo ka baxay degaanno horleh oo ka tirsan Galmudug

Ciidamadda Dawlada oo ka baxay degaanno horleh oo ka tirsan Galmudug

39
0

Ciidamada xoogga dalka, iyo kuwa  degaanka ayaa isaga baxay furinta ugu dambeysa ee Difaaca ay uga jireen waa degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud iyo degmada Wisil ee gobolka Mudug, ciidan u badan kuwii lagu soo tababaray dalka Eritrea oo dhawaan la geeyey halkaas iyo guutada Abuu-dujaana ayaa baneeyey deegaanadaas.

Wararka ayaa sheega in Shalay in sarkaal muhiim ay ciidankaasi isaga dileen gudaha degmada Baxdo, habeeno ka hor sidaas oo kale taliye urur oo aad looga jeclaa gudaha ciidanka xoogga ayey askartiisii oo baxsad ka ah furimaha dagaalka ku toogteen duleedka Camaara.

Siyaasiyiinta reer Galmudug ayaa isku eedeynaya qorshaha bixitaanka ciidamada soo baneeyey furimihii dagaalka ee koonfurta gobolka Mudug, gaar ahaan deegaano muhiim ah oo waqti badan iyo dhiigga rag qaali ah lagu bixiyey sidii loo xoreyn lahaa.

Dhammaan Goobihii  ay Faarujiyeen Ciidamada Dawlada iyo kuwa degaanka waxaa la wareegay Alshabaab .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here