Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamo badnaa ay ku hareersan yihiin deegaanka Ruunirgood oo ay ku sugan yihiin Al-shabaab.
Ciidamada ku hareereysan deegaanka Ruunirgood ayaa ujeedkoodu yahay sidii ay deegaankaas uga saari lahayeen kooxda Al-shabaab oo halkaas ku leh difaacyo adag.
Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta u sheegay iney kaabiga ku hayaan deegaanka Ruunirgood, islamarkaana ay madaxda dowladda ka sugayaan amarkii ay ku gali hayeen gudaha deegaankaas.
Wararka ayaa sheegaya in saakay Al-shabaab intooda badan ay isaga baxeen fariisimahii ay ku lahayeen gudaha deegaanka Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha dhexe.
Hase ‘akaatee’ Al- shabaab waxaa horay looga saaray gacantooda deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay ka talin jireen mudo aad u dheer, waxaana la filaya in saacadaha soo socda gacantooda laga saaro deegaanka Ruunirgood.