Ciidamada PSF ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo xoogan ka sameeyeen Xaafado katirsan Magaalada Boosaso ee Xarunta Gobolka Bari, kaas oo ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay.
Ciidamada oo wata Gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa lagu arkay xaafado katirsan Magaalada Boosaso, iyaga oo mararka qaar Guryo la tuhmayay baaritaano xoogan ku sameeynayay.
Saraakiisha Ciidamada PSF ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay sidii looga hortegi lahaa falal amni darro oo ay Magaalada Boosaaso ka geystaan Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish loogana baahan yahay Shacabka inay Ciidamada kala Shaqeeyaan.
Waxaa ay sidoo kale saraakiishu sheegeen inay sii wadi doonana howlgallada oo ay barbar socdaan caawinta qoysas kasoo barakacay Abaaro kajira degaano Miyi ah oo kuyaalla degaano Gobolka Bari, kuwaas oo hadda ku sugan Magaalada Boosaaso.
“ Hadii aan la helin wada-shaqeynta Bulshada lama heli doono amni iyo in Bulshada la caawiyo, iyagana ay diyaar u yihiin inay ka hortagaan caqabad kasta oo soo wajahda Shacabka una diyaarsan yihiin ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Ciidamada PSF-ya Puntland.
Ugu dambeyn Saraakiisha Ciidamada PSF ayaa uga mahad celiyay taageerada ay markasta ka helaan Shacabka, isla markaana dhankooda ay sii wadi doonaan howlgallada amni xaqiijinka ah iyo u adeegida Shacabka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Howlgalkaan ay Ciidamada PSF ka sameeyeen Xaafadaha katirsan Magaalada Boosaaso ayaa kusoo aadaya xilli uu weli jiro khilaafka kala dhaxeeyo Xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo saameyn ku yeeshay Shaqada Garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso.