Ciyaaryahan hore ayaa lagu samaynayaa baaris dhamaystiran oo la ku saabsan qofka uu yahay, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in walaalkii oo ay isku egyihiin uu beddelay oo uu u ciyaaro kooxdii uu isagu heshiiska kula jiray.
Ciyaaryahankab oo waqti Wanaagsan kusoo qaatay kulliyadda da’yarta Barcelona, ayaan awood u yeelanin inuu usoo dallaco kooxda koowaad waxaanay taasi keentay inuu ka tago La Masia oo uu hadda ka Ciyaaro horyaalka dalka Romani.
Sida uu qoray wargeyska Marca iyo wargeysyo kale oo dhawr ah oo kasoo baxa waddanka Romani, kooxda Dinamo Bucharest ayaa baadhitaan DNA ah ku samayn doonta difaaceeda Edgar Le iyo mataanka ay walaalaha yihiin, sababtoo ah waxa ay ka shakiyeen in shan kulan uu u dheelay mataanka Edgar Le iyaga oo aan aqoonsanin.
Laacibkan oo ay da’diisu tahay 30 jir ayaa bishii February waxa uu kooxdaas ka caawiyey inay ka badbaaddo inay u dhacdo heerka labaad laakiin hadda waxa muuqata in ciyaartoyga u dheelaya Bucharest uu yahay Edelino oo laacibkii ay la saxeexdeen ee Edgar aanu kooxdaba joogin.
Wariyaha ciyaaraha Daniel Sendre ayaa arrintan daaha ka feyday, waxaana uu ku tilmaamay khiyaanadii ugu weynayd ee ka dhacday kubadda cagta iyo dhacdo ugub ah oo in laba ciyaartoy oo walaalo ah oo isku eg ay isbeddelaan oo midkii kooxdaas ka tirsanaa uu gurigiisa joogo, isla markaana ciyaartoy kale oo walaalkii ah uu usoo diro oo uu u dheelo.
Dinamo Bucharest ayaa la sheegay inay ka shakiday markii ciyaartoydan u dheelayey uu kaliya ku hadlayo oo uu fahmayo luuqadda Boortaqiiska, iyadoo ay kooxdu ogsoonayd in laacibka ay la saxeexdeen ee Edgar Le uu kasoo ciyaaray Spain, France, Turkey iyo Netherlands oo uu luuqadahooda ku hadlo.
Laacibka reer Ginea=Bissau oo saddex sannadood kusoo qaatay kulliyadda da’yarta Barcelona, sidoo kalena usoo dheelay Villarreal B, Lille, Trabzonspor iyo Feyenoord ayaa waxa ku socda baadhitaan sababi karaya in ciqaab adag la marsiiyo.