Ciyaaryahanka kubadda cagta Kylian Mbappe ayaa saxiixay heshiis uu si xor ah ugu biiray Real Madrid kadib markii uu dhamaaday heshiiskiisii Paris St-Germain 30ka June.
Weeraryahanka reer France ayaa af ahaan ogolaaday inuu u dhaqaaqo Bernabeu bishii Febraayo ka dibna wuxuu ku dhawaaqay bishii May inuu ka tagayo PSG dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Mbappe oo 25 jir ah, ayaa hadda heshiiska u saxiixay Real Madrid, waxaana uu u tagi doonaa Spain marka uu furmo suuqa kala iibsiga La Liga 1da Luulyo.
Madrid ayaa la filayaa inay ku dhawaaqdo heshiiska toddobaadka soo socda, waxaana ay qorsheynayaan inay si rasmi ah weeraryahanka ugu soo bandhigaan Bernabeu ka dib ciyaaraha Euro 2024.
Mbappe oo ku guuleystay Koobka Adduunka 2018, ayaa ah gooldhaliyaha ugu sarreeya PSG isagoo dhaliyay 256 gool tan iyo markii uu amaah ahaan ugaga soo biiray Monaco 2017.
Waxa uu Real la galay heshiis uu kula joogayo ilaa 2029, waxa uu mushahar ahaan u qaadan doonaa 15m euros (£12.8m) xilli ciyaareedkiiba, iyo 150m euro (£128m) oo gunno saxeex ah oo uu ku qaadan doono muddo shan sano ah.
Laacibka reer France ayaa fursad u heli doona inuu ka garab ciyaaro Luka Modric, iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Croatia uu qarka u saaran yahay inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxda.