Home CIYAARAHA Ciyaaryahanka Mbappe oo ku dhawaaqay inuu ka tagayo Paris St-Germain

Ciyaaryahanka Mbappe oo ku dhawaaqay inuu ka tagayo Paris St-Germain

159
0

Weeraryahanka reer France Kylian Mbappe ayaa sheegay inuu ka tagi doono kooxda Paris St-Germain dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Mbappe, oo 25 jir ah, ayaa go’aankan ku shaaciyay muuqaal uu soo dhigay barihiisa bulshada.

“Mar walba waxaan dhihi jiray inaan hadli doono waqtiga ku haboon,” ayuu sheegay Mbappe.

“Waa sanadkii iigu dambeeyay ee Paris St-Germain, ma kordhin doono, heshiiska qandaraaska, wuxuuna dhammaan doonaa dhowr toddobaad gudahood.”

Qandaraaska Mbappe ee PSG wuxuu dhacayaa bisha June, BBC Sport ayaa soo werisay bishii Febraayo in uu ogolaaday in uu ku biiri doono Real Madrid xagaagan.

Laacibkan ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa ah gool-dhaliyaha ugu sareeya xagga goolasha kooxda PSG isagoo dhaliyay 255 gool, wuxuuna kulankiisa ugu dambeeya kula ciyaari doonaa garoonkooda Parc des Princes kooxda Toulouse oo ka tirsan horyaalka Ligue 1 maalinta Axadda 20:00 BST.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here