Home WARARKA Dacwad ay Eedeysanayaal ka yihiin saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka oo...

Dacwad ay Eedeysanayaal ka yihiin saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka oo la soo gaba gabeeyay

33
0

Maxkamadda Racfaanka  gobolka Banaadir  ayaa maanta markale u fariisatay dhageysiga Dacwad la xariirta Musuq maasuq oo loo heysto sarakiil katirsan Hay’adda Socdaalka Jinsiyadda,

Guddoomiyaha maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir Saciid Cali Maxamed ayaa su’aalo waydiiyay sargaal ka socday Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda,isagoona sheegay in Maxkamadda ay màanta soo gabagabeyneyso kiiska la xariira Musuq maasuq.

Qareennada difacaya eedeysanayaasha ayaa dhankooda iska bari yèelay eedda, xeer ilaalinta kusoo eedeysay muwakiliintooda ee la xariirta Musuq maasuqa

Avv Cabduqaadir Qareenka eedeysane Cumar Macalim ” Majirto cadeymo waafi ah oo la keenay dambiyada lagu soo eedeeyay ”

Avv Maxamed Xasan qareenka Difaacaya eedeysane Cabdullahi Cosoble” waxaan Codsanayaa in Xuriyadiisa dib loogu celiyo Muwakilkeyga ”

Xeer Ilaaliye Ku xigeen Maxamed Kurtun ayaa maxkamadda Rafcaanka  ka codsaday in eedeysanayaasha ku xukunto dambiyada ay kusoo eedeeyeen…….

Guddooniyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa sheegay in lasoo gaba-gabeeyay dacwadii Racfaan oo eedeysanayaal ka yihiin saraakiil ka tirsan Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Sarakiishaan Dacwadooda la soo gaba gabeeyay  ayaa waxaa horay xukun kala duwan ugu riday Maxkamadda Gobolka Banaadir, hayeeshee Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa racfaan ka qaadatay, waxaana ay isugu jiraan kuwo dalka ku sugan iyo kuwo ku maqan dalka dibaddiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here