Inta la xaqiijiyay laba Ruux ayaa cudurka ugu geeriyooday deegaanno hoosyimaada Degmada Aadan Yabaal ee Gobalka Sh/dhaxe, halka dhowr qoys oo kale cudurku soo ritay.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Aadan-yabaal ayaa Warbaahinta u sheegay in dadku ay walaac ka muujinayaan kororka xanuunka iyo Maamulka degmada Aadan-yabaal iyo kana Gobolka Shabeellaha Dhexe oo aan wadin dadaal lagu baxnaaninayo dadka uu soo ritay cudurka.
Degmada Aadan-yabaal iyo degaannada hoostaga ayaa badi laheyn Goobo caafimaad oo dadka lagu daaweeyo maadaama 15-kii Sano ee la soo dhaafay ay maamulayeen Al-Shabaab.
Waxay Shacabka ugu baaqeen Madaxda dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle, Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adaha Caalamiga ah inay la soo gaaran gurmad Caafimaad si loo badbaadiyo dadka uu xilligaan haayo cudurka Shuban-biyoodka.
Qaar badan oo kamid ah Gobolada dalka ayuu sidoo kale ka dilacay cudurka Shuban-biyoodka, iyada oo loo sababeynayo isbedelka cimilada ee dalka ka dhacday iyo arrimo kale.