Home WARARKA Dadkii ku dhaawacmay Weerarkii Hotel SYL oo loo qaaday dalka Turkiga

Dadkii ku dhaawacmay Weerarkii Hotel SYL oo loo qaaday dalka Turkiga

28
0

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka duushay diyaarad gaar ah oo lagu qaaday dhaawacyada masuuliyiin iyo dad kale oo shacab ah oo ku dhaawacmay weerarkii Al Shabaab ku qaaday hotelka SYL .

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, wasiirro , xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda ayaa garoonka Aadan Cadde kasii sagootiyay dhaawacyada masuuliyiinta iyo dadka kale ee loo qaaday dalka Turkiga .

Xasan Sheekh Maxamuud ayaana u rajeeyay dadka ku dhaawacmay weerarka SYL in ilaah caafimaad deg deg ah siiyo, waxa una cambaareeyay weerarkaasi oo kooxda Al Shabaab masuuliyadiisa sheegteen.

Dhaawacyada masuuliyiinta iyo dadka kale ee wax ku noqday weerarkii hotelka SYL ee loo qaaday dalka Turkiga ayaa gaaraya 19-qof, dadka qaar ayaana la sheegay in ay qabaan dhaawacyo culus oo dalka wax looga qaban waayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here