Home WARARKA Dagaal ka dhacau gobolka Jubada Hoose

Dagaal ka dhacau gobolka Jubada Hoose

54
0

Warar Dheeraad ah ayaa ka soo baxaya baxaya  khasaaraha ka dhashay dagaal culus maanta ka dhacay duledka Magaalada Kismaayo .

Dagaalka ayaa u dhexeya ciidanka maamulka Jubland iyo Alshabaab waxana uu ka socda degaanka Baar sanguuni  ee gobolka Jubabada Hoose.

Dagaalka ayaa bilowday  ka dib markii  Ciidamada Jubbaland ay  saakay  Waabarigii  u ruqaansadeen  Deegaanka Baar Sanguuni oo ay Ciidamada Markii hore Fatahaado ugasoo baxeen Balse maanta  ay laba jiho Ciidamada ka weerareen Deegaankaas halkaas oo dagaal  adag ay kula galeen Alshabaab.

Ciidamada Jubland ayaa ka gudbay dhanka Webiga halka Ciidamada qaarna ay Mareen Wadada Laamiga ee ka timaada dhanka Magaalada Kismaayo oo Fatahaadaha ay burburiyeen.

Wararka ayaa sheegaya in  dagaalka ka dhacay baarsanguuni uu sababay Dhimasho iyo Dhaawac labada dhinac ah ee Alshabaab iyo Jubbaland ayaa soo kala gaaray .

Saraakiil ka tirsan ciidanka jubalnad ayaa sheegay  in Alshabaab khasaare ay ku gaarsiiyeen dagaalkaas sidoo kalana ay ku qabsadeen Laba qori BKm  ah hal qori oo RPG ah iyo  8 qoriga AK47 ah iyagoo sidoo kale halkaas ku dilay 4 Xubnood oo ka tirsan Alshabaab waa sida ay hadal u dhigeen saraakiisha ciidanka maamulka Jubland.

Dhinaca kale saraakiisha Jubland ayaa sheegay in khasaaraha dhankooda uu kooban yahay hal Askari kaliya uu uga dhaawacmay dagaalkaas mana sheegin  khasaaraha  dhimasho ee soo gaaray  ciidankooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here