Home WARARKA Dagaal ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

Dagaal ka dhacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan

46
0

Dagaal  culus oo Xalay  illaa maanta ka socday Magaalada Baladweyne  kaas oo u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Hirshabeelle iyo Hiiraan state ayaa istaagay kadib markii guud ahaan magaalada Baledweyne si awood ah looga saaray ciidankii Hirshabeelle.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah ayaa ka dhashay dagaalkaan, waxaana guulo la taaban kara ka sheegtay maamulka la baxay Hiiraan State oo haatan gacanta ku haya guud ahaan xarumaha  maamulka gobolka iyo kan degmada Baledweyne.

Ciidamadii iyo saraakiishii hoggaamineysay dagaalka ee dhanka Hirshabeelle ayaa gaaray xarunta ciidanka ATMIS ay ku leeyihiin duuleedka magaalada Baledweyne, kadib markii looga awood roonaaday dagaalkii ka dhacay gudaha Baledweyne.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Hirshabeelle oo ku aadan khasaaraha kasoo gaaray dagaalka loog saaray guud ahaan xaafadaha Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here