Home WARARKA Dawlada Masar oo Markale Taageero  u  Muujisay  Soomaaliya

Dawlada Masar oo Markale Taageero  u  Muujisay  Soomaaliya

52
0

Dawladda Masar ayaa mar kale ka hadashay muhiimadda ay leedahay in la xaqiijiyo amniga, xasiloonida iyo nabadda Soomaaliya, iyadoo hoosta ka xariiqday in Soomaaliya oo intaas hesha ay horseedi karto amni iyo xasilooni ka hirgasha gobolka oo dhan.

Masar waxay mar kale si buuxda u xaqiijisay garab istaageeda Soomaaliya, xilli uu circa isku sii shareerayo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya, markii uu soo shaac-baxay heshiis beenaadkii uu Muuse Biixi badda ku siiyey Itoobiya, waxay Masar degdeg ula safatay Soomaaliya.

Masar oo waayo badan uu khilaaf adag kala dhexeeyey Itoobiya, marar badana ay ku sigteen in dagaal toos ah uu ka dhex-qarxo ayaa ayaa aad uga xumaatay fursadda ay heleyso Itoobiya, waxayna garab Istaagtay mowqifka dowladda federaalka Soomaaliya ay ku diidan tahay damaca Itoobiya ay ku raadineysay qayb ka mid ah Badda Soomaaliya in ay ku hesho.

Markii Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi  ito Raosaal Wasaaraha Itoobiya  au Heshiiska isfahamka  ay ku gaareen Magaalada Addis Ababa 1-dii Janaayo, Dawlada Masar waxay cod dheer ku sheegtay in ay muhiim tahay in la xushmeeyo midnimada iyo madax-banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo si buuxda u diiday tallaabo kasta oo lagu xagal daacinayo midnimada Soomaaliya.

Dawlada Masar ayaa si xooggan uga soo horjeesatay heshiiskaas oo dhigayay in 20 KM oo dhul badeed ah laga kiraynayo Itoobiya, si ay uga dhisato saldhig ciidamo badeed, Itoobiya ayaa heshiiskaas Somaliland uga bedelatay balanqaad ah inay aqoonsa doonto.

Dowladda Masar ayaa mar kale xaqiijisay Soomaaliya, in ay wali garab taagan tahay xasiloonada iyo midnimada dalka, kadib markii safiirka Soomaaliya ee dalka Masar Ilyaas Sheekh Cumar uu kulan gaar ah la yeeshay ra’iisul wasaaraha Masar Mustafa Madbouly.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here