Home WARARKA Dawlada Sacuudiga oo Awaamir ku soo rogtay dadka Xujeyda ah

Dawlada Sacuudiga oo Awaamir ku soo rogtay dadka Xujeyda ah

72
0

Dowlada Sacuudiga ayaa aad u adkeysey  Kaararka Xujeyda ka Qeyb galaysa Xajka sanadkan, 1446 Hijriya waxana ay soo rogtay Awaamir la dul dhigay Dadka Xujeyda ee doonaya in soo Gutaan Waajibaadka Xajka

Dowlada Sacuudiga ayaa ka hortegeysa dadka aan Soo Marin nidaamka saxda ah ee loogu talo galay in ay maraan dadka xajinaya.

Waxaa Soo Baxay awaamiir is daba joog ah oo dowladdu ay ku socodsiineyso nidaamka Xajka ee sanadkaan oo wax badan ka bedelan sanadihii hore.

Dadka hareer mara nidaamka Xaajiga loo dejiyay iyo kuwa Raba in ay si sharci darro ku xajiyaan ayey dowlada Sacuudiga sheegey talaabooyin isugu jira xarig, Ganaax iyo Tarxiil ay  ku ridi doonto.

Sidaasi si la mid ah Xafiiska Arrimaha Xajka Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagey go’aamadaasi iyo habraaca dowlada Sacuudiga ay jideysey, SI looga hortago dhibaato Soo gaarta muwaadinka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here