Home WARARKA Dawlada Soomaaliya iyo Alshabaab  siyaabo kala duwan uga  hadlay dagaalkii ka dhacay...

Dawlada Soomaaliya iyo Alshabaab  siyaabo kala duwan uga  hadlay dagaalkii ka dhacay degmada Ceeldheer

38
0

Al Shabaab ayaa weerar culus oo ku bilowday qaraxyo ismiidaamin ah ku qaaday saldhigyada ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka kaga sugan yihiin degmada Ceeldheer, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo dhiig badan ku daatay.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al Cadaala ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in  Al Shabaab khasaare loogu  geystay  weerarkii saakay ay ku qaadeen degmada Ceeldheer.

Wasiir Al Cadaala ayaana sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday, waxa uuna sheegay in hadda socdaan dhameestirka howlgalka ka dhanka ah kooxdii weerarka soo qaaday sida uu tilmaamay.

”Alshabaab  si adag ayaa loogu jabiyay Ceeldheer , alle ayaa mahadsan, Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha deegaanku waa mahadsanyihiin, dhamaystirka hawlgalka ayaa socda, ayuu yiri Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta.

Dhinaca kale warbaahinta dowladda war lagu daabacay ayaa lagu sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ay hayeen xogta kooxda Al Shabaab ee weerarka soo qaaday, waxa ayna xuseen in weerarkaasi Al Shabaab si weyn loogu jabiyay.

Al Shabaab ayaa dhankooda guulo ka sheegtay weerarka ay saakay ku qaadeen degmada Ceeldheer, waxa ayna sheegeen in halkaasi la wareegeen kuna dileen ciidan badan, sidoo kale ku qabsadeen hub kala duwan iyo saanad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here