Home WARARKA Dawlada Soomaaliya oo ka laabatay go’aankeedii ahaa in la xeri Xafiiska QM...

Dawlada Soomaaliya oo ka laabatay go’aankeedii ahaa in la xeri Xafiiska QM ee Soomaaliya

136
0

Dawladda Soomaaliya ayaa ka laabatay go’aankii ay ku dalbatay in la xiro lana soo gabagabeeyo howlgalka QM ee Soomaaliya, gaar ahaana UNSOM, waxayna taas bedelkeeda dalbatay in guddi wadajir ah loo saaro, sidii dib loogu qaabeyn lahaa howlgalka QM ee Soomaaliya, waxaana warqada cusub oo ay dirtay DF lagu cadeeyey in ay diyaar dhankeeda u tahay magacaabida xubno Soomali ah oo wax ka diyaariya qorshaha kala guurka, gaar ahaana UNSOM.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in wax laga bedelo gabi ahaanba hanaanka Shaqo ee UNSOM iyo soo dirida Ergayga gaarka ah, iyadoo la eegayo dhinacyada saameynta aan fiicneyn ee Ajendayaasha Qaran ay ku leedahay QM, gaar ahaana dhinaca amniga caalamiga ah, Isbedelka cimilada iyo iskaashiga dunida.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh ayaa cadaadis xoogan kala kulmay qodobkan, waxaana wada hadal telfoon oo ay yeesheen xoghayaha guud ee QM iyo Xassan Sheekh heshiis lagu gaaray magacaabida guddi gaar ah oo UNSOM Shaqadeeda dib u qaabeeya la magacaabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here