Home WARARKA Dawladaha Soomaaliya & Itoobiya oo shir uu uga furmayo dalka Turkiga

Dawladaha Soomaaliya & Itoobiya oo shir uu uga furmayo dalka Turkiga

34
0

Maanta ayaa lagu wadaa si rasmi ah uu uga furmo magaalada Ankara ee dalka Turkiga, wadahadalo ay soo qaban qaabisay dowlada Turkiga, iyaga oo dhexdhexaadin ka dhex wada dowladaha Soomaaliya iyo, Itoobiya kaas oo ku aaddan heshiiskii ay Somaliland hore ula gashey Itoobiya .
Dawladda Turkiga ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay inay ka go’antahay inay Dawladaha Soomaaliya iyo Itoobiya dhex dhexaadiso si Heshiis ay uga gaaraan khilaafka u dhexeya labada Dawladood.
Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo ka hadlay wada hadallada Turkiga ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku eedeeyay Dawlada Soomaaliya inay doonayso inay qaadato doorkii saxeexa heshiiska Badda ee ay la galeen Itoobiya .
Ugu dambeeyntiin Somaliland ayaa sheegtay in Dawlada Soomaaliya ay siin karto Itoobiya inta ay maamusho, balse aysan bixin karin dhulka Somaliland ay leedahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here