Home WARARKA Dawladaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo xoojinaya Xiriirkooda

Dawladaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo xoojinaya Xiriirkooda

76
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Feseraalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabbilay Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabbilsan Geeska Afrika, Danjire Xue Bing.

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo Jireen ka ah ee u dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay guulaha waawayn ee ay Soomaaliya xaqiijisay muddaddi la soo dhaafay, haddana loo diyaar garoobayo isbeddel mug leh oo dhinacyada dhaqaalaha iyo bulshadaba wax wayn ka bedeli doona.

Dhankiisa Danjire Bing ayaa sheegay in ay Soomaaliya mar walba garab taagan yihiin, haddana sii xoojin doonaan taageeradooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here