Home WARARKA Degaan ku yaalla duleedka Dhuusamareeb oo xarun waxbsrasho laga furay

Degaan ku yaalla duleedka Dhuusamareeb oo xarun waxbsrasho laga furay

59
0

Deegaanka Beer Cabdi Faarax oo qiyaastii Magaaladda Dhuusamareeb u jira 18km kana beegan dhinaca kuunfureed ayaa maanta laga furay School lagu laagu magacaabo Beer Cabdi Faarax School waxaana si isku xilqaan ah u hir-geliyay Ururka Ayet Organizatoin oo ah urur dhalinyo ah oo kasoo jeeda isla deegaanka Beer Cabdi Faarax.

Deegaanka Beer Cabdi Faarax oo la daala dhacaya daruufo iskugu jira Waxbarasho la,aan Caafimaad la,aan Biyo la,aan iyo Baahiyo kale ayaa waxaa maanta laga hir-geliyay schoolkan oo ay dhiganayaan arday dhan 198 arday oo iskugu jira caruur yar yar iyo dad waa weeyn.

Dadka deegaanka ku nool ayaa ka hadlay baahiyaha ka jira deegaanka oo ugu horreeyso in aysan haaysan goob ay wax ku bartaan sidoo kalena waxa ay xuseen in baahiya deegaanka ka jira ay intaas ka badan yihiin.

Ugu horayn Qaar kamid ah waalidiinta iyo ardayda maanta loo furay School ka ayaa u mahad celiyay ururka Ayet Organizatoin waxa ayna Dowladda iyo hay,addaha deeq bixiyaaha ka cod sadeen in loo dhiso goob ay wax ku bartaan iyo xarumo Caafimaad oo ah baahida ugu wayn ee maanta ka taagan deegaanka Beer Cabdi Faarax.

Cismaaciil Abuukar Iimaan oo kamid ah Maclimiinta ururka Ayet Organizatoin ayaa sharaxaad ka bixiyay tirada ardayd ay diiwaan geliyeen waxa oona xusay in ay maanta wax ku bilaabeen geed hoostiis.

Moallim Abdullahi Mohamud Rooble oo ah Macalinka Dugsi qur,aan deegaanka iyo Mohamed Hassan Ugaas oo kamid ah Odayaasha deegaanka ayaa tilmaamay baahiyaha ka jira Deegaanka Beer Cabdi Faarax.

Ugu dambayn Gudoomiyaha Deegaanka Beer Cabdi Faarax Mohamed Nuure Cumar ayaa baaq u diray cid kasta oo ka qayb qaadan karta dhismaha deegaanka School ka deegaanka isagoo tilmaayay in ay haystaan dhulkiisa loo dhisi lahaa waxa kale oo uu xusay in ay ka qaadan doonaan kaalintooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here