Home WARARKA Degmada Camaara oo ay baneeyeen Ciidamada dowlada iyo Macawisley deegaanka.

Degmada Camaara oo ay baneeyeen Ciidamada dowlada iyo Macawisley deegaanka.

60
0

Xaalad kacsanaan ayaa ka jirta Degmada Baxdo oo ay soo gaareen caaradka ciimadadii ka soo baxay jiida hore ee dagaalka lagula jiro alshabaab kadib markii ay soo baneeyeen Degmada Camaara oo ah goob istaraatiij ah oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Dowlada gaar ahaan kuwii dhawaan lagu soo tababaray dalka Eretea iyo Ciidmada deegaanka oo ay horkacayeen kuwa culimada Ahlusuna.

Ciidamada Gor gor ayaa horay uga soo baxay deegaanada Caad , Jeex-Jeex iyo Shabeellow kaasi ay ka socdeen dagaalo aad u xoogan mudo 4 biloow ka badan.

Degamada Camaara oo u muuqata in ay galashay gacanta al-shabaab ayaa dhamaan dadkii halkaasi daganaa isaga qaxeen malaagada iyo deegaanada ku dhow dhow.

Ciidamada dowlada oo aan wax gadiid dagaal ah wadan ayaa lug uga soo baxay degmada Camaara ayagoo shalay galinkii danbe soo gaaray Xinlabi oo 30 KM u jirta camaara dhanka Degmada Cadaado ayagoo isla shalay galab u dhaafay dhanka Magaalada Baxdo dadka deegaanka ayaa gobolada.com u sheegay in ciidamada ay ka muuqato baahi iyo gadiid la,aan waxay ku sheegeen sababaha ay furimaha uga soo baxeen in ay waayeen wax ay ku sheegeen garaamka ciidanka iyo mushaaraadkii ay xaqa u lahaayeen sidoo kale ay waayeen wax ay cunaan. sidoo kale ciimada Macawisleyda iyo qaarka mid ah ahlusuna ayaa ku hakaday deegaanka Xinlabi ayagoo rajo ka qaba in markale dib luugu laabto goobihii la soo baneeyay.

ilaa hada si dhab ah looma oga sababaha ka danbeeya in ciidamadu qaataan go,aankaasi ay aadka uga naxeen dadka reer Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here