Hubka dekadda magaalada Muqdisho laga soo dejiyay ayaana wararku shyeehgayaan in u ka yimid dhinaca dalka Masar oo dowladda la saxiixatay heshiis dhinaca difaaca ah, waxaana hubkan u badan yihiin kuwa casri ah oo ay ciidanka Soomaaliya adeegsan doonaan markii ugu horreysay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya xiriir la sameesatay Dowladda Masar waxaana sii xoojiyay khilaafka ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya
Wasiirak Gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur , ayaa qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in Soomaaliya ay xilligan ka gudubtay xilligii la oran jiray cidaa la macaamileyso waa in aan raali ka nahay.
Waxa uuna sheegay wasiirka in dowladda Soomaaliya ee hadda jirta ay tahay mid danteeda taqaan, sidoo kale kala garaneysa cidda cadawga u ah iyo cidda u wannaagsan, isagoona qoraalkiisa u muuqday mid uu ku durayo dowladda Itoobiya oo ka xun xiriirka Soomaaliya la yeetaya Masar.
”Soomaaliya waxay ka gudubtey marxaladii la dhihi jirey cidaad la macaamileyso waa inaan anagu raali ka nahay. Danteena anagaa naqaana, sokeeyaheena iyo shisheeyaheena anagaa kala xulaneyno” ayuu yiri wasiirka Difaaca Soomaaliya.