Home WARARKA DFS & Qm oo ka hadlay muddo kordhin loo sameeyo xafiiska...

DFS & Qm oo ka hadlay muddo kordhin loo sameeyo xafiiska Qm

10
0

Dowlada Federaalka Soomaaliya oo Warqad u dirtay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa soo jeedisay in mudda laba sano ah loo kordhiyo xafiiska UNSOM, oo hadda loo bixiyay magaca UNATMIS.
Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ee hadda loo bixiyay UNATMIS ayaa mudadaasi waxa uu ka shaqayn doonaa arrimaha taageerada dib u dhiska hay’adaha dowladda, gargaarka bini’aadanimada, Xuquuqda Aadanaha iyo sarreynta Sharciga.
Qorshahaasi UNATMIS ayaa filayaa in uu bilowdo bisha November ee sannadkan 2024, islamarkaana uu soo geba gaboobo sannadka 2026-ka, waxaana xiligaasi kadib si rasmi ah u xirmi doona xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here