Home WARARKA Dhageyso: Gudoomiyaha Ahlusuna oo baaq ka soo saaray Colaada Waqooyiga gobolka Galgaduud

Dhageyso: Gudoomiyaha Ahlusuna oo baaq ka soo saaray Colaada Waqooyiga gobolka Galgaduud

79
0

Gudoomiyaha guud ee Ahlu-sunna Waljamaaca Macallin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa  ka hadlay dagaal beeleedkii ka dhacay waqooyiga gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka..

Macallin Maxamuud ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay inay is laayaan dad walaalo ah oo haddana muslimiin ah, ayna iska dilaan dad badan oo aan waxba galabsan.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in culimada Soomaaliyeed ay ka gaabiyeen doorkii ay ka qaadan lahaayeen colaadaasi, wuxuuna ugu baaqay inay u istaagaan xalka.

Gudoomiyaha Ahlu-sunna ayaa ugu dambeyntii baaq culus u diray beelaha dagaalamaya, wuxuuna ka dalbaday inay ka waantoobaan dagaalka ay isku laynayaan.

Hadalka ka soo baxay Gudoomiuyaha Ahlusuuna ayaa imaanaya , ayada oo weli ay socdaan dadaallada lagu heshiisiinayo beelaha Soomaaliyeed ee ku dagaalamayaa Degaanka deegaanka Laadheer oo u dhexeeya degmooyinka Caabudwaaq iyo Xeraale ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

Halkanka dhageyso Codka  Gudoomiyaha Ahlusuna:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here