Home WARARKA Dhageyso . Sarkaal ka hadlay Hawlgallo ka socda gobolka shabeelada Hoose

Dhageyso . Sarkaal ka hadlay Hawlgallo ka socda gobolka shabeelada Hoose

79
0

Gudoomiyaha  Degmada Leego ee gobolka shabeelada Hoose Ugu magacaaban maamulka Koofur galbeed  Gaashaanle sare Abuukar Cabdulaahi Isaaq  Alcadaala ayaa  ka war bixiyay Hawlgal ka dhan ah Alshabaab oo ka socda gobolka shabeelada Hoose .

Gudoomiye  Abuukar  Alcadaala ayaa sheegay in degaanadda kala duwan ee gobolka shabeelada Hoose uu xilligan Hawlgalkas ka socda si laysugu furo wadada xiriirisa Afgooye iyo Baydhabo oo ay jareen Alshabaab islamarkaana ay u diideen Gaadiidka in ay maraan wadadaasi .

Dhinaca kale Gudoomiye Abuukar Cabullaahi Isaaq Alcadaala ayaa sheegay  in degmada Leego ay xilligaan ay ka taliyaan Alshabaab shacabkii degaana ay ka soo barakaceen kuwaas oo oo haatan ku sugan degaanka yaaqbariweyne ee gobolka shbeelada Hoose  lagana hor istaagay in deeqaha mucaawinada ay dawlada ay bixiso la  gaarsiiyo .

Halkaan Hoose ka dhageyso waraysiga Gudoomiyaha Degmada Leego ee gobolka shabeelada Hoose .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here