Dalka UK , waxaa maanta oo Khamiis ah ka dhaceysa doorasho baarlamaani ah oo waqtigeeda laga soo hormariyay, iyada oo si aada loo saadaalinayo in xisbiga mucaaridka ah ee Shaqaalaha uu guul weyn kasoo hoyn doono.
Xisbiga talada haya ee Muxaafidka ayaa Arbacadi shalay qirtay guuldarro ka hor inta aananba la aadin goobaha codbixinta, iyaga oo ka digay in xisbiga Shaqaalaha uu ku guuleysan doono kuraasti ugu badneyd ee baarlamaanka marki ugu horreysay taariikhda Ingiriiska.
Keir Starmer oo ah mudane ka tirsan Aqalka Baarlamaanka isla markaana ah hogaamiyaha xisbiga Shaqaalaha ayaa lagu wadaa in uu noqdo Ra’iisal wasaaraha soo socda ee Britain.
Hogaamiyaasha labada xisbi, Starmer Ra’iisal wasaare ayaa shalay qabtay ololihhii ugu danbeeyay ee doorashada, ka hor inta aysan shacabka Ingiriiska maanta u dareerin sanaadiiqda codadka.
Hadaba Shariif Cabdi Xasan oo ah Agaasimaha warbaahinta gobolada kana mid ah dadkii maanta u dareeray Goobaha Cod bixinta ee dalka UK ayaa warramay doorashada UK & Rajada Xisbiga Ra’iisal Wasaare Rishi Sunak.
Halkan Hoose ka dhageyso Waraysiga Agaasime Shariif Cabdi Xasan: