Home WARARKA Dhageyso:   Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maalintii 3aad ka socda Muqdisho iyo...

Dhageyso:   Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maalintii 3aad ka socda Muqdisho iyo Puntland oo ka hadashay

28
0

Maalintii saddexaad Magaalada Muqdisho Waxaa ka socda shirka golaha Wadatshiga Qaran ee u dhaxeeya madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada .

Shirkan waxaa ka maqan maamulka Puntland oo horey u shaaciyay in xiriirka u jareen dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, waxa ayna dhaliileen maamulkaasi hab-dhaqanka madaxda sare ee dowladda Federaalka.

Wasiirka warfaafinta warfaafinta ee Punland Maxamuud Caydiis Dirir ayaa sheegay in shirka ka socda Muqdisho dhankooda waxba ka khuseyn, waxa uuna tilmaamay in shirkaasi wax natiijo ah kasoo baxeyn.

Waxa uu wasiir Ceydiid ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh in dowladiisa wado gacan bidixeyn, waxa uuna shirka Golaha Wadatashiga Qaran ku tilmaamay mid ay kaliya ku sheekeestaan odayaal.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa sidoo kale sheegay in aysan waxba ka khuseyn qodobada kasoo baxa shirka ka socda Muqdisho, waxa uuna caddeeyay in maamulka Puntland bannaanka ka yihiin waxa ka socda Puntland.

Shirka golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho ka socda  ayaa looga hadlayaa qodobob ay kamid yihiin siyaasadda, amniga, la dagaallanka Alshabaab, dhameystirka dastuurka iyo arrimo kale oo xasaasi ah oo khuseeya doorashooyinka.

Halkan Hoose ka Dhageyso Codka Wasiirka Warfaafinta Puntland  Maxamuud Ceydiid Dirir:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here