Waxaa xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ka socda dibadbax weyn oo looga soo horjeedo weerarkii habeenno kahor kooxda Al Shabaab ku qaadeen xeebta Liido, halkaas ay ku laayeen dad badan oo shacab ah.
Dibadbaxa ayaa ah mid lagu dooda yahay xasuuqii Al Shabaab ka ay ka geysteen xeebta Liido, waxaana wataan dadla bananbaxa dhigaya boorar ay ku qoran yihiin halkudhigyo ka dhan ah Al Shabaab , oo caado ka dhigatay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya ayaana abaabushay bannaanbaxan looga soo horjeedo kooxda Al Shabaab, waxaana kasoo qeyb galay dibadbaxa shaqaalaha dowladda iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka Banaadir.
Ammaanka xeebta Liido iyo waddooyinka soo gala ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana halkaasi kusii qulqulaya dadka ka qeybgalaya dibadbaxa looga soo horjeedo falkii arxandarada ahaa ee Al Shabaab ka geesteen xeebta Liido.