Home WARARKA Digniin laga soo saaray Roobab xooggan oo la filayo in ay ka...

Digniin laga soo saaray Roobab xooggan oo la filayo in ay ka da’aan Soomaaliya

126
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA,  ayaa maanta soo saartay digniino la xariira roobka gu’ga kaas oo la filayo maalmaha soo socda in dalka ka curto.

Hay’adda ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed in ay taxadaraan oo ay feejignadaan, si gaar shacabka ku nool goboladii dhawaan fatahaadaha ay ka dhufteen, iyo goobaha biya mareenada ah.

Roobabka xilligan Gu’ga ee sanadkaan 2024 (sida la isku raacay) waxay Soomaaliya intiisa badan ka curanayaan inta u dhaxaysa asbuuca koowaad ee bisha April, wuxuuna xoogiisu billaabanayaa asbuuca sadexaad illaa kan afaraad ee isla bisha April.

Roobabkaas waxay sidoo kale sii socondoonaan inta lugu guda jiro bisha May ee sanadkan, waxay roobabkaasi intooda badan ay ka di’i doonaan qeybo badan oo dalka gaar ahaan gobolladiisa koonfureed iyo kuwa woqooy

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here